Xisbiga KULMIYE Oo Mucaaridka Ugu Baaqay Inay Isku Diyaariyaan Tartanka Doorashada

(SL.Post)  Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga taladda dalka haya ee KULMIYE Axmed Cabdi Dheere, ayaa sheegay in xisbi ahaan ay diyaar u yihiin Doorashada inuu galo, kalsoonina uu isku qabo, waxaanu Xisbiyada Mucaaradka ah ugu baaqay inay isku diyaariyaan Tartanka Doorashada, oo ay shakiga iska dayaan.

-home-hadhwan1-public_html-uploads-gallery-galleries-carwo-IMG_ABF74E-F3BF06-5276E6-B2BA6E-EE21A2-4F6B69

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye Axmed Cabdi Dheere oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika oo aanu warkan ka soo xiganay ayaa sidoo kale baaq u diray guud ahaan Bulshada waxaanu ugu baaqay inay qaatan Kaadhka Codeynta, si ay u helaan xaquuqdooda coddeynta,waxaanu yidhi “Waxaan Bulshada ugu baaqayaa inay kaadhadhka qaatan, gaar ahaan Gobolada ay imika kaadh qaadashadu ka bilaamatay, maxa yeelay waa xuquuq gaar ah oo qof walba oo muwaadin ahi leeyahay, si uu wax u doorto, ama loo doorto, markaas waxaan ku talinayaa inay dadku sida ugu quruxda badan kaadhadhka u qaatan”.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye mar uu ka hadlaayey Doorashada ayaa yidhi “Doorashadii waa la muddeeyey, wakhti baana loo muddeeyey, wakhtigaas loo muddeeyey ayeyna dhacaysa haddii ALLE idmo, Kulmiye waa u diyaar inuu Doorashada galo, ee Xisbiyada Mucaaradku  diyaar ha u noqdaan inay Tartanka Doorashada galaan, Doorashadu waa diyaare, Komishankuna waa ka diyaar, Kaadhadhkiina waa la qaybinayaa, labadii Gobol ee ugu horeeyey ayaa laga bilaabay, ee Xisbiyada Mucaaradka shakiga ha iska dayaan, Doorashadu wakhtigeeda ayey ku dhacaysaaye”.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye mar uu ka hadlaayey abaaraha ayaa yidhi “Inkasta oo ay Roobabkii inoo da’een, haddana abaarihi wali wey jiraan, ILLAAHAYNA , waxaan ka baryeynaa inuu ina siiyo roobab khayr qaba, abaartana inaga dulqaado, abaarihii waxa bulshada u raacay xanuuno, markaas guud ahaan waxaan Bulshada leeyahay is taakuleeya, oo is caawiya.”

 

Somalilandpost.net