Xisbiga KULMIYE Oo Ka Jawaabay Eedo Uga Yimi Mucaaridka

Hargeysa (SL.Post) Xisbiga tallada haya ee KULMIYE,  ayaa jawaab ka bixiyey hadal ka soo yeedhay xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo sheegayey  in ay kulmiye kaga taageero badan yihiin guud ahaan qaaradda Yurub.

jaama-1

“Waxaasi waa faan ayaanu u aragnaa aan wax caqli ah iyo xigmad ku salaysnayn, waana iska hadal oo nin is faanshay waa ri’ is nuugtaybaa la yidhi, waanay soo bixi arrintaasi oo bishu hortiina ayey iman doontaa, nin waliba waxa uu isla hayana fagaaraha ayuu keeni, anagu waxba faani maynee waa la arki doonaa taageerada aanu qurbaha ku leenahay”.

Jaamac Ismaaciil Cige Jaamac Shabeel, ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in xisbiga waddani aanuu hadalkaasi u wanaagsanayn loogana baahan yahay in ay ku hadlaan waxyaabo suurta gal ah sida uu hadalka u dhigay.

“ Xisbiga waddani xaqiiqada ku soo noqda ayaan odhan lahaa xaqiiqadu waa lagama maarmaane, hadii aad naftaada ku maaweeliso wax aan jirinna adiga ayey ku dhibaataysaa, haddiiwax aan jirin aad iska dhaadhicisana hadhaw ayaad yaabaysaa, markaa xaqiiqada ku soo dhowaada ayaan leeyahay waddani, sidaas ayaa idinkana idiin wanaagsan, waxaana la arki doonaa taageeradayada wakhtigeeda” ayuu yidhi Jaamac Shabeel

Somalilandpost.net