Xisbiga KULMIYE oo ka hadlay Rejada Wada-hadallo u socda Garabka Jamaal Cali Xuseen iyo Meeqaamka ay ku qaabileen

Hargeysa (SLpost)- Hoggaanka sare ee Xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE, ayaa faahfaahin ka bixiyey wada-hadallo u socdo Garabka Jamaal Cali Xuseen oo ahaa murashaxii madaxweynaha ee Xisbiga UCID, balse ka-mid-ahaanshiyaha xisbigaas ku waayey shir-weyne magaalada Hargeysa ugu qabsoomay Garab uu hoggaaminayey Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Maxamed Kaahin oo Diidmada Shirka ee Musharixiinta Isbahaystay Ku Sheegay Arrin u Baahan in la BaadhoHoraantii bishan ayaa laba garab oo ay kala hoggaaminayaan Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen soo qaban-qaabiyeen laba shirweyne oo lagu dooraneyey hoggaanka sare iyo murashaxa madaxweynaha ee Xisbigaas, balse waxa suurto-gashay halkaasna guusha qabsoomidda shirweynaha ku hantay Faysal Cali Waraabe oo mar kale loo doortay murashaxa madaxweynaha ee UCID, balse garabkii kale ee Jamaal Cali Xuseen ay xukuumaddu ka horjoogsatay shirweyne ugu qabsoomi lahaa Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Taasina waxa ay dhalisay in Jamaal Cali Xuseen iyo Garabkiisu ka baxaan Xisbiga UCID isla markaana wada-hadallo la bilaabaan Xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI, iyadoo ay jireen Kulamo dhexmaray garabka Jamaal Cali Xuseen iyo hoggaanka labada xisbi ee kale.

Haddaba, Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed oo maanta warbaahinta ugu warramay Hargeysa, ayaa ka hadlay halka ay u marayaan wada-hadallada dhankooda uga socda Jamaal Cali Xuseen.

HOOS KA DAAWO WARKAN OO FAAHFAAHSAN