Xisbiga Kulmiye oo ka dalbaday Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Caddeynta Eedaymaha uu Madaxweynaha u jeediyey

xasan siciidHargeysa (SLpost)- Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE, ayaa ugu baaqay Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID inuu keeno cadaymaha eedo uu todobaadkan warbaahinta u mariey madaxweynaha Somaliland,  kuwaas oo ay sheegeen in loo gudbin doono Ha’yadaha sharciga qaabilsan.

War-saxaafadeed maanta ka soo baxay xafiiska Xoghayaha Guud ee Xisbigaas Md Xasan Siciid Yuusuf oo arrintan lagaga hadlay, ayaa sidoo kale lagu cambaareeyay faro-gelin maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya ku hayo Gudaha Xuduudka Somaliland.

War-saxaafadeedka uu ku saxeexan yahay Xoghayaha Guud ee Kulmiye, ayaa u qornaa sidan: “Xisbiga KULMIYE wuxuu u arkaa gar-darro iyo xad-gudub Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Putland kula kacday xuduudaha dalka Jamhuuriyada Somaliland.

Xuduudaha Somaliland waxay la mid yihiin kuwa dalalka African-ka ku dhisan yihiin, sidii lagu aasasay ururka Midawga Afrika iyo kuwii ka horeeyeyba.

Maamulka Puntland waxay ka tirsan tahay sharciyan wadanka Soomaaliya ee uu Talyaanigu guumaysan jiray, sidaa darteed Madaxwayne-ku-xigeenka Puntland inuu xuduudaha Somaliland soo fara-geliyaa waxay ka soo horjeeda qawaaniinta caalamiga ah, qabaa’ilada Afrika iyo adduunka oo dhammi waxay ku kala nool yihiin dalal kala duwan, macquul maaha inay Puntland ku andacooto isir ahaan baannu u leenahay deegannadaas.

Waxay ka soo horjeeddaa hannaanka siyaasadeed ee adduunku ku dhisan yahay, Afrika ay ku dhisan tahay iyo habka ay u shaqeeyaan ururrada caalamiga ah; sida UN iyo AU.

Sidaa darteed, waxaannu ugu baaqaynnaa inay Putland joojiso xad-gudubka iyo farogalinta ay kula kacayso xuduudaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Somaliland waxay diyaar u tahay nabad, iskaashi iyo jaarnimo, waxayna ka soo horjeedaa inay gobolka ka kacaan colaado aan loo baahnayn, waase ku waajib Somaliland inay difaacato xuduudeheeda iyo qarannimadeeda.

Waxa kale oo iyana xusid mudan warar maalmihii u dambeeyay saxaafadda ku baahinayay xisbiga UCID, waxaannu xisbiga KULMIYE ka taagan yahay eedahaa xisbiga UCID; baryahan dambe guddoomiyaha xisbiga UCID waxa ka soo yeedhayey weedho xanaf leh iyo eedaymo culus oo ku waajahan Madaxwaynaha.

Haddaba, waxaannu u sheegaynaa xibiga UCID inaan erayada xanafta iyo qadafka ah aannu waxba tarin ee ay ummadda kala fogeeyaan, kordhiyaanna xasaasiyad iyo kala fogaansho bulshadda ah.

Eedaymihii Salaasadii ku qornaa wargayska Geeska Afrika waa qaar u baahnaan doona in loo gudbiyo hay’adaha sharciga oo adigana (Guddoomiyaha UCID) caddayntooda lagaaga fadhiyo.

Xisbiyadda qaranku waa inay ummadda u horseedaan isku soo dhawaansho, iskaashi iyo tallo hormarineed, waxaanuna u soo jeedinaynaa Guddoomiyaha Xisbiga UCID inuu si waayeelnimo ah wixii tallo ah ee qaranka anfacaya u soo jeediyo.

Madaxwaynaha qaranku wuxuu leeyahay karaamo iyo xisaanad dastuurku huwiyey, sidaa darteed marka tallo la soo jeedinayo waa in hab qadarin iyo is-qancin ah wax la isugu sheeego.”

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net