Xisbiga KULMIYE Oo Cayimay Shirweynahooda, isla markaana Ansixiyay Tirada Ergooyinka ka qeyb geli doona

Hargeysa (SLpost)- Gudida Fulinta ee Xisbiga tallada haya ee KULMIYE ayaa maanta ansixiyay iskuna waafaqay tirada ergooyinka ka soo qeyb geli doona shirweynaha saddexaad ee xisbigaasi oo ay u cayimeen inuu qabsoomi 25-ka bisha December ee fooda innagu soo haysa.

waxa shirweynaha KULMIYE ka soo qeyb geli doona 801 ergay, sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu caawa fiidkii soo saaray Xoghayaha Guud ee xisbiga tallada haya ee KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf, waxaanu u dhignaa sidan:-

“Shir ay xubnaha Guddiga Fulinta ee xisbiga KULMIYE maanta gelinkii dambe ku yeesheen guriga Madaxweyne-ku-xigeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa lagaga wada hadlay tirada guud ee ergooyinka ka soo qayb galay doona shirweynaha 3aad ee xisbiga oo qabsoomi doona 25-ka bisha December ee sannadkan 2013.

Kulmiye Golaha Dhexe (18)

Shirka uu oo uu guddoominayey Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi waxa dood iyo falanqayn kadib xubnaha Guddiga Fulintu cod buuxa oo gacantaag ah ku ansixiyeen in tirada ergooyinka shirweynaha 3-aad noqoto 801 ergay, kuwaas oo kala iman doona golaha dhexe ee xisbiga, guud ahaan gobollada, degmooyinka iyo tuulooyinka iyo weliba laamaha kala duwan ee xisbigu ku leeyahay dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba.

Waxa kale oo shirka la isula gartay in kulan dambe xubnaha Guddiga Fulintu isugu yimaadaan berri, kaas oo ay ku sii falaqayn doonaan qorshaha ay ku hawlgeli lahaayeen Guddiga Qabanqaabada shirweynaha ee dhawaan la ansixiyey.”

Somalilandpost.net

Hargaysa