Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumaddiisa oo si Adag uga Hadlay Dhowaaqii ka soo Yeedhay Xisbiyada Mucaaradka

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE, xukuumaddiisa, ayaa si adag uga hadlay dhowaaqii xisbiyad mucaaradku ku shaaciyeen qabashada shirweyne lagaga tashannayo aayaha qarankan, kadib dhammaadka xukuumadda ee muddadii shanta sanno ee la doortay oo ku eeg 27 bisha July 2015.

Hoggaanka sare ee xisbiga KUMIYE, wasiirro xukuumadda iyo xildhibaanno uu ka mid yahay Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa shir jaraa’id oo ay si wadajir ah ugu qabteen xarunta xisbiga KULMIYE maanta, waxay sharci-darro ku tilmaameen go’aanka mucaaradka oo ay sheegeen inuu gebi ahaanba ka horimanayo shuruucda iyo jiritaanka qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu horreyn, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo shirka jaraa’id ka hadlay, ayaa sheegay in Somaliland hore u soo dhaaftay shirweyne ay aayaheeda kaga tashato, isla markaana ay khalad weyn tahay in dib loogu baaqo wixii laga soo gudbay 1993kii.

IMG_6136“Guddoomiyaha WADDANI, ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka wuxuu ku dhowaaqay in la qabanayo shir aayo ka tashi, shirkaasi hal mar ayuu dalka soo maray waxayna ahayd 1993kii oo shirkii Boorama ayuu ahaa, waxa lagu soo dhisay axdi qarameedkii Somaliland, siddeed iyo labaatan sanno kadib wax innagu celiya Ilaahay inaguma keeno. Shirkaasi aayo-ka-tashi ee Boorama waxay ahayd mar aan la hayn xukuumad, Baarlamaan iyo maxkamad Sare ayaa la qabtay, ummadda waxaan u sheegayaa in aanan fahmin waxay ula jeedaan shirkaasi haddii ay kaas Boorama oo kale ula jeedaan maaha mid dhacaya oo qarankani wuu dhisan yahay oo wixii labaatanka sanno lagu soo tabcayey way dhisan yihiin in dib loo noqdo cidna laga yeeli maayo,” ayuu yidhi Muuse Biixi.

Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu tafaasiil ka bixiyey shir qaran iyo cidda qaban karta ee shuruucda dalku u fasaxday, waxaannu yidhi, “Erayga Qaran aynu macnayno, yaa qaranka matala? Qaranka waxa matala madaxweynaha sida uu dastuurkeenu dhigayo, heshiishyada caalamka isagaa gala, hab-maamuuska isagaa leh,  shir qaran isagaa ku hadli kara isagana qaban kara, wasiir kuma hadli karo, guddoomiye xisbi kuma hadli karo, anigu kuma hadli karo, guddoomiye gole wakiilo kuma hadli karo, waayo Qaranku waxa lagu ururiyey madaxweynaha, isagay hoos galaan saddexda tiir ee dawladnimadu ku dhisan tahay, haddii shir la qabanayana isagaa hoggaaminaya. Anigu shir xisbi waan qaban karaa oo waan isugu yeedhi karaa, xisbiyada kale waa ila mid oo shir qaran ma qaban karaa. Haddaba, cid kale ha ka suurowdee Guddoomiyaha Golaha Wakiillada kama suuroobeen inuu dastuurka jabiyo, waayo isagu sharcigii buu hayaa ee inuu ku xadgudbana waa khalad. Sidaa darteed shir qaran oo aayo-ka-tashi ah oo xisbi isugu yeedhi karaa maaha sharci.”

“Xisbiyada mucaaradka waxaannu ku murmay doorashadii ha dhacdo bil heblaayo iyo bil heblaayo, marka xisbiyada mucaaradku yidhaahdeen waqtigii xukuumaddu waa gabaabsi, waxa jirta in Golaha wakiillada shan sanno ka hor muddadoodii dhammaatay, waatii Guurtidu ku kordhisay ee isaguna shirguddoomiye ka ahaa shanta sannadood oo sharci badan oo qaranka lagu maamulo uu saxeexay isagu, markaa Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda waxaan leeyahay ma waxaanad aqoonsanayn oo shaki kaaga jiraa muddo-kordhinta Guurtiddu kuu samaysay laba jeer shan hore iyo laba iyo labaatan bilood oo iminka ah, arrintaasi sharciga ah ma shaki baa idinkaga jira? Miyaad diidan tihiin oo bal ummadda u caddeeya halkaad sharciyadda ka taagan tihiin? Arrintaasi dastuuriga ah marka uu mad-madow galiyo Gudoomiyihii Baarlamaanka iyana waa ayaan-darro,” ayuu yidhi Muuse Biixi.

Wasiirka Warfaafinta Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa habaar ku macneeyey shirka aayo-ka-tashiga ee ay shaaciyeen xisbiyada mucaaradku inay qabanaan, isagoo xusay in aanay xukuumaddu marnaba ka bixin heshiiskii ay hore ula gahay axsaabta ee loo raadinayo qiilkii lagu sharciyeyn lahaa.

“Annagu garanmayno oo maanu fahmin qaylo-dhaanta mucaaradka, haddiise ay tahay muddo-kordhintii Guurtidu sameeyeen kadib markii ay ku qanceen in waqtigii doorashada loo qorsheeyey ku dhaceen, sida uu dhigayo heshiiskii xisbiyada xukuumadda qodobkiisa koowaad waxa uu dhigayaa, haddii aannu nahay axsaabta iyo xukuumadda waxaannu ixtiraamaynaa muddo-kordhintii Golaha Guurtidu ee ay u sameeyeen xukuumadda iyo Baarlamanka.

IMG_6144Haddaba, heshiiskaasi xukuumaddu miyey ka baxday? Xaasha ee heshiishkaasi kamay bixin ee waxay u daydayeysaa qiilkii lagu waafajin lahaa inuu sharci noqdo heshiishkaasi, maadaama oo uu ka horimanayo go’aankii Guurtida ee sharciga ahaa. Guddida Doorashooyinku wuxu xaq u leeyahay muddadaasi dambe ee la kordhiyey in maalinta doorashaddu suurogal tahay ee la qaban karo la qabto ee Madaxweynuhuna ku aqbalo ama ku ansixiso, Guurtiduna way aqbashay oo maalin bay qabatay bil kahor ayey tahay  inay doorashaddu dhacdo,” ayuu yidhi Md. Cukuse.

Wasiir Cukuse waxa uu sheegay in muddada la isku hayo ee khilaafku ka taagan yahay tahay sagaashan maalmood keliya oo ah muddada neefka Geella ahi biyaha ka qado, taasina aanay noqon doonin wax qarankan lagu burburiyo.

Dhinaca kale, Guddoomiye-ku-xigeenka Golaha Wakiiladda Md. Baashe Maxamed Faarax, ayaa isagu ku dooday in gole ahaan aannu wax saamayn ah ku yeelanayn heshiiska ay kala saxeexdeen xukuumadda iyo axsaabtu, isla makraana doorashadoodu qabsoomayso waqtiga muddo-xilkeeda Guurtidu u kordhisay ku eeg tahay ee 27 March 2017.

“Xisbigii yidhaahda goleyaasha qaranku sharci maaha waxaannu u sheegaynaa in aannu xisbiyada xasaannada ka qaadayno, waxaana xasaanadda leh Baarlamaanka iyagaana sharciga sameeya, haddii ay ka waantoobiwaayaana way imanaysa in sharcinimadooda dib loo eego,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Guddoomiye Baashe.

SOMALILANDPOST.NET