Xisbiga KULMIYE Iyo Garabkii Jamaal Cali Xuseen Oo Ku Dhawaaqay Inay Si Ramsi Ah U Midoobeen (SAWIRO)

????????????????????????????????????

Hargeysa (SL.Post) Xisbiga KULMIYE iyo Garabkii xisbigii UCID ee uu hoggaaminayey Jamaal Cali Xuseen, ayaa shaaciyey heshiis ay ka gaadheen wadahadallo u socday oo lagu dhammaystirayey midow buuxa oo labada dhinac dhexmara.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Kulan lagu shaacinayey heshiiska is-afgaradka ah ee labada dhinac oo ay isugu yimaadeen guddiyadii wadahadalladku u socday oo lagu qabtay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa maanta, isla markaana ay goob-joog ka ahaayeen Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo hoggaaminaya garabkii UCID, ayaa labada dhinac si rasmi ah ugu dhawaaqeen inay soo af-meereen kulamadii u socday, si rasmi ahna u midoobeen, balse xafladdii loogu talogalay isgaashaan-buuraysigaasi dib loogu dhigay xaaladda abaarta darteed.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, isla markaana guddoominayey guddidii xisbiga KULMIYE u qaabilsanayd wadahadallada, ayaa u mahadnaqay guddiyadii labada dhinac, waxaannu halkaas ka akhriyey qodob dhawr ah oo ay labada dhinac isla qaateen, iyada oo faahfaahinta qodobada heshiiskana dib loogu dhigay xafladda loo qoondeeyey inay labada dhinac ku midoobaan.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Md. Maxamed Kaahin waxa uu carrabaabay in heshiiska labada dhinac wada gaadheen ay ka mid yihiin; Ilaalinta iyo adkaynta qaddiyadda gooni isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland, xoojinta midnimada iyo wada-jirka umadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo la-dagaallanka qabyaaladda, ilaalinta iyo adkaynta nabadgelyada Jamhuuriyadda Somaliland, qorshaynta ka-hortagga abaaraha soo noqnoqda, ilaalinta iyo ku-dhaqanka dastoorka Qaranka, ka xisbiga KULMIYE iyo ku dhaqanka diinta Islaamka iyo in garabka New Ucid si buuxda uu ula midoobo xisbiga KULMIYE si ay talada xisbiga qayb uga noqdaan iyaga oo KULMIYE.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Guddoomiyaha Garabka la midoobay xisbiga KULMIYE Md. Jamaal Cali Xuseen oo halkaas ka hadlay, ayaa shaaciyey in heshiiskii garabkiisa iyo xisbiga KULMIYE si rasmi ah loosoo gebo-gabeeyey, waxana uu xusay abaarta darteed dib loogu dhigay xafladdii ku biiritaanka xisbiga KULMIYE oo bishan dhammaadkeeda qorshaysnayd, waxaannu yidhi, “Heshiiskayagii waanu dhammaystirnay, qodobada faahfaahintooduna waxay dhici doonaan oo aanu sheegi doonaa marka aannu xafladda ku biirista qabanno, laakiin maanta waxanu isla qaadanay inaanu xafladayadii waynayd dib u dhigno, maadaama oo abaaro lagu jiro.”

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Dhinaca kalena, Jamaal Cali Xuseen waxa uu eedo u jeediyey Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe oo uu ku tilmaamay in dulmigii uu sameeyey ka mid yahay ciqaabta abaarta baahsan ee dalka ka jirta sababtay, “Waxaan arkayey Faysal Cali-waraabe oo aad moodo in marka  ay doorashooyinku soo yara dhawaadaan ee muddo-kordhintu timaado uu dardar la soo baxo, dalka sababta ay abaartu uga jirtaa waa Faysal Cali-waraabe laftarkiisa, sababta oo ah waa kii dulmiga sameeyey oo maalin walba ina hortaagan oo abaarihii ka hadlaya oo ay umaddeenu dhegaysanaysaa. Shacabkeenana waxaan leeyahay Faysal Cali-waraabe ka ilbaxa oo hadalladiisa yaan la dhegaysan, dadkeena abaaruhu saameeyeena haloo gurmado.”

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Marwo Luul Xasan Mataan oo ka tirsan garabka uu Jamaal Cali Xuseen hoggaaminayo ee la midoobay xisbiga KULMIYE, ayaa iyaduna caddaysay inay ku qanceen ku biiritaankooda xisbiga KULMIYE, cududoodana ku biirinayaan.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo gunnaanadkii kulankaasi hadal ka jeediyey, ayaa soo dhaweeyey garabka cusub ee ku soo biiray, waxaannu tilmaamay inay cududa iyo haybadda xisbigaba wax weyn ka tari doona, “Maanta waxa ay ka mid tahay maalmaha xisbiga KULMIYE taariikhda u geli doona ee ay soo xoojiyeen ee ay midoobeen New UCID oo ah dad cudud leh, aqoon leh, bulshadana sumcad iyo haybad ku leh oo xisbiga soo xoojin kara haddii ay tahay cod, maamul, olole iyo dhaqaale tahayba, aadna waanu ugu mahadnaqaynaa garabkaa uu Jamaal hoggaaminayo, waxaanuna ku heshiinay wixii danta iyo umadda u dan ah oo wixii ay khalad arkaan aynu isu sheegno, wixii wanaag ahna aannu ku wada socono,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi.

 

Somalilandpost.net