Xisbiga iiga Baxa oo Mid Kale Samaysta iyo UCID kama birikartaan isma qabato Faysalow!!!

(Haddii lagu dulmaray Adkayso Faysalow Adkayso, raggani waa kuwaad

lahayd…..)

Waxa la-yaab iyo amakaag noqotay xisbiga gabalkiisu dhacay ee intii goleyaal qaran iyo mid dhexe ugu jirtayba uga haajireen Faysal Cali Waraabe kedib markuu xisbigii ka dhigtay meherad uu leeyahay sida hoteelka Maansoor, in uu haddana raggii sharafta ka raacay ee uga tagay iyagoo awood u lahaa in ay si sharciya uga qaadaan inta ay soo uruuriyaan xubnihii shirweynihii ugu dambeeyey ee 2006 ka qaybgalay sida maxkamaddu xukuntay.

TANINA WAXAY KAMID TAHAY WAXYAALIHII HORE EE AAN ISQABAN JIRIN EE FAYSAL

CALI WARAABE LOOGA BARTAY.

Xisbi qaranbaan wadaa, dan qaranbaan wadaa, hogaan qaranbaan ahay, HADDANA xisbigu waa mid gobol leeyahay oo Hargeisa leedahay, waa mid reer leeyahay, waa mid AAN ANIGU LEEYAHAY, iyo waxyaalihii kale ee tirada badnaa ee looga bartay Habarwadaagay Faysal.

Nimankii odayaasha ahaa ee Faysal Cali Waraabe xisbiga kula jiray waxay doorbideen inay goonni u baxaan Faysal iyo inta uu cago ku qaatona uga tagaan xisbigii ay murug, maan iyo maal waxay haysteenba kusoo bixiyeen intuu uu jiray iyo ka horba. Waxay si sharaf leh u qaateen go’aankii

maxkamadda iyagoo awood u lahaa inay la qastaan Faysal oo la dhigaan iyagoo haystay codadka intii badnayd ee shirkaa 2006 dhacay kasoo qaybgalay ee maxkamaddu ku xukuntay. Waxay u baxeen goonni iyaga iyo intii raacsanayd oo u badan xisbiga taageerayaashiisii, gobolladii iyo dibeddii. Sidoo kale waxa raacay xubnihii xisbigu ku lahaa goleyaasha qaranka sida wakiilada iyo deegaanka.

Haddaba, gar dabadeedna gunu’gunu’baan nacay buu yidhi ninkii jiraye, Faysal muxuu rabaa? Sawkii laga soo sheegijiray maaha sidaan maqlay in badan xogogaalna ku maqlay in uu odhan jiray ciddii aan sidaan rabo rabin ee aan xisbiga inaan leeyahay ii aqoonsanayni ha furato xisbiyo kale.

Xubnaha Wakiiladu way is sharaxeen sida Faysal isu sharaxay weliba iyagu mar kaliya ayay is sharaxeen waanay ku guulaysteen kuraasidoodii oo shacab iyo taageero ayay heleen halka Faysal laba jeer ka dhacay. Waxay ka guulaysteen qayrkood halka Faysal ciidda la cunsiiyey. Waxay ku fadhiyaan kalsoonida iyo taageerada ay ka heleen u-codeeyayaashii soo doortay iyaga ayaanay wakiil ka yihiin. Faysalna muu dooran xisbiga muu siinin codka ee dadkoodii soo doortay iyo gobolladii laga soo doortay ayaa ku fadhiisiyey kuraasta ay ku fadhiyaan iyo maqaamka ay joogaan. Faysal hadduu ugu bato hal cod ayuu siiyey. Haddii uu leeyahay xisbiga ayay magaciisa kusoo baxeenna, xisbigu

wuxuu ahaa xisbigoodii oo kamid ayay ahaayeen Faysal oo kali ahina muu lahayn markaas imika haba sheegtee.

Xeerka xisbiga ee ay leeyihiin meel ayaa lagaga dhacay yuu xeer u yahay?

Qofkii ka baxay xeer uma aha ee ku jiraa ha isku xukumo.

Faysal oo isagu muddo-dhaaf ku jooga ahna ku-meel-gaadh maalmo u dhiman yihiin lagana rabo in uu isu keeno xubnihii shirweynihii 2006 ayaa sharci-darro fawqal sharci-darro ah.

Shuruucda dalka u taalla iyo waxa uu mudanaha baarlamaanku ku waayi karo xubinnimadiisa waxa cadaynaya Dustuurka dalka u yaalla oo xeer kasta ka weyn.

WAXASE XAQIIQA oo gubashada Faysalna tahay, in URURKA WADANI maantadan la joogo 90% ka taageero iyo miisaan badan yahay magacii lufadda noqday ee UCID oo maanta laga matagayo.

URURKA WADANI waa ururka kaliya ee Goleyaasha Qaranka ku leh xubno taageersan oo weliba asaasayaashiisa kamida. Waxa ururka WADANI maanta haystaa Mansanyo aanay UDUB iyo UCID midna haysan oo ay kamid yihiin Guddoomiyaha Golaha Wakiilada JSL. Waa urur dardar cusub iyo dhiig cusub iyo xaraarad cusub wata.

Aniga oo kamida inta xamaasadda WADANI soo gaadhay oo xaraaradiisa ku diirsanaya, waxaan leeyahay, Faysalow, raggani waa kuwaad lahayd aniga ayay  ila dageen oo iyaga dartood ayaa la ii dooran waayey markaad socon waydaye,

ADKAYSO, ADKAYSO, ADKAYSO waa lagaaga tagay magacii iyo calankii UCID oo kuwii sameeyey ayaa si sharafi ku jirto kaaga gobonnimo-dhaqaaqaye CUN.

Wa Billaahi Tawfiiq

Dr. Abdirisaaq M. B.

drboodhe2009@gmail.com