Xisbi ka Dhisan Ingiriiska oo gabadh Somalilander ah u doortay Beddelka Xildhibaan Ka soo Horjeestay Go’aan Golaha Deegaanka Bristol ku Aqoonsadeen Madax-bannaanida Somaliland

London (SLpost)- Xildhibaan Jon Rogers oo hoggaaminayey xildhibaanno tiro yar oo ka soo horjeestay go’aan ay golaha deegaanka Bristol ku taageereen qadiyadda madax-bannaanida Somaliland, ayaa lumiyey kursigii uu lahaa Golahaas, waxaana beddelka booskiisa galay xildhibaan Nuura Cumar Caabbi oo dhalasho ahaan ka soo jeedda Somaliland.

Hustings on the elected mayorXildhibaan Rogers iyo Afar xildhibaan oo ay ka tirsan xisbiga Lib Democrats, ayaa ka biyo-diiday isla markaana mucaaradad xooggan kaga soo horjeestay mooshin ku saabsan Qadiyadda madax-bannaanida iyo Golahaasi Aqoonsan yahay Somaliland oo xildhibaanno ka tirsan xisbiyada Labour-ka iyo Green Party ay bishii May ee sannadkan u gudbiyeen Golaha Deegaanka Bristol, haseyeeshee xildhibaan Rogers iyo asxaabtiisu ayaa lagaga guulaystay mooshinkaas, waxaanu golahaasi si rasmi u aqoonsaday madax-bannaanida Somaliland, iyada oo calanka Tawxiidku ku qoran yahay laga hor qotomiyey Xarunta Golaha deegaanka Bristol.

Xisbiga Lib Democrats ee xildhibaankani ugu jiray Golaha Deegaanka Bristol, ayaa shaaca ka qaaday in Ms Nuura Cismaan Caabbi u meteli doonto xubnimada Golaha Deegaanka ee Bristol ugu jira xisbigooda, ka dib markii xildhibaan MP Jon Rogers ku guul-darraystay inuu xisbiga guulo ka gaadhsiiyo doorashadii Golaha deegaanka ee ka dhacday dalka Britain bishii Lixaad ee sannadkan, taas oo uu mar labaad isu-sharraxay kursigii uu hore ugu fadhiyey.

Mr Rogers oo filayey inuu guul ka gaadho doorashadii Golaha deegaanka ee bishii May dabayaaqadeedii ka dhacday dalka Ingiriiska, ayaa guul-darradiisa loogu bushaareeyey todobaadkan ka dib markii ay soo baxday in la rejaynayo in kursigiisa ay ku fadhiisanayso gabadh da’yar oo asal ahaan ka soo jeedda Somaliland balse haysata dhalashada dalkaas oo ay ka wada-tirsan yihiin Xisbiga Lib Democrat.

Nuura Cismaan Caabbi oo laga doorto degmada Ashley ee magaalada Bristol, waxa kale oo ay sannadka dambe booskiisa xubinimada Golaha Wasiirrada kala wareegi doontaa xildhibaan Gus Hoy oo ka tirsan Xisbiga Green Party, sida uu sheegay afhayeen u hadlay xisbiga Lib Dems.

Ms Nuura Caabbi oo Somaliland u dhalatay, ayaa dalkaas la geeyey iyada oo siddeed jir ah, waxaanay wakhtigan maamule ka tahay Dugsiga Fairfield ee degmada Horfield oo ku taala nawaaxiga magaalada Bristol.

Xukuumadda Ingiriiska ee uu Madaxa ka yahay Raysal-wasaare David Cameroon, ayaa ku dhisan nidaam is-bahaysi oo ay wadaagaan Xisbiyada Conservative-ka oo uu hoggaamiye Mr Cameroon iyo Xisbiga Lib Democrats oo uu hoggaamiyo Nick Clegg oo noqday raysal-wasaaraha dalkaas ka dib doorashadii dhacday 2010-kii.

XIGASHO: Wargeyska Himilo