Xirsi Oo Ka Jawaabay Eedo Uga Yimi Wasiirka Warfaafinta

(SL.Post) Hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali X. Xasan ayaa ka jawaabay Eedeymo uga yimid  Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani)

xirsi-s

Xirsi Cali X. Xasan oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa isaga oo ka jawaabaya eedaha uga yimi Wasiirka warfaafinta Somaliland Caddaani, waxa uu yidhi  “Cadaani waa Wasiirka Warfaafinta ee wax uu ku faano ha sameeyo , Wasiir waliba Wasaaradu joogo wax uu ku faano ha fuliyo. Madaxweynuhu Libteeda ayuu Leeyahay, Wasiirkii  fuliyeyna libteeda wuu la leeyahay.” ayuu yidhi Xirsi Cali X. Xasan

Hoggaamiyaha xisbiga WADDANI waxa uu intaas raaciyey “Aniga oo Madaxweynaha aan ka dafireen in uu himaladan lahaa aniguna kii fuliyey ayaan ahaa , hadii uu dafiro Cadaani  bulshada ayaanu iskula tagi doonaa oo waa waxa Ceerigaabo ka soo raaca. ” ayuu yidhi Xirsi

Halkan ka daawo.

Somalilandpost.net