Xiqdiga, Buqdiga iyo Balaaya Sheega Halaga Daayo Bulshada Oo Yaan Been Loo Sheegin Dadka

(SLPOST)Waxaan salaan Gobeed u dirayaa guud ahaan Shacabka Somaliland Gaar ahaan Madaxda Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo ay ugu horeeyaan Madaxwaynaha iyo Madaxwayne Kuxigeenka J.S.Land Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo  Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici.

10154796_496997830406742_1657724597_n

Horaa loo yidhi Soomaalidu been way sheegtaa laakiin been ma maah maahdo Waa xaqiiq oo waxaa jirta Maah maah Afsoomaaliya oo tidhaahda Waxaad ceebta u taqaan qof bay camalkiisa tahay Subxaanallaah.

Waxaa layaab iyo amakaak ah qof ama koox iyo cid doonaysa inay ganac sadaan oo ay bulshada qaybaheeda kala duwan wax ka iibiyaan haddana inay si qaawan oo anshaxa iyo asluubtaba kabaxsan oo islaamnimada ka leexsan ay Xiqdi iyo Buqdi iyo Been iyo Warar Xaaraan ah ku camiraan Meheradahooda oo ay Wajiyada iskaga dhajiyaan shaanbad qabyaaladeed isla markaana ay ku muujiyaan Boodhadhkooda Caadifad iyo cunfi iyo Reer Nacayb ku salaysan iska dhaadhicin iyo Xil raadin iyagoo illaabay shaqadoodii.

Hadaba Mudanayaal iyo Marwooyin Guud ahaan Muwaadiniin tayda Sharafta, Qadarinta iyo Qiimahaba iga mudan ee u dhalatay Jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaan Muwaadiniinta Ku abtirsata Xisbiga Waddani oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha xisbigu Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (C/raxmaan Ciro) oo ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland ee sharafta iyo karaamada inaga mudan waxaan ugu horey idinka raali galinayaa wararka aan salka iyo raadka toona lahayn ee uu yaallaa soo qoro Wargayska Xiqdiga iyo Buqdiga ku caanka ah ee lagu magacaabo Xog Ogaal oo Cadadkiisii u danbeeyay  ku soo baxay Cinwaanka Sumadiisu tahay 16 kuna taariikhaysnaa 24/March/2014 Isniintii shalay isgoo wargayskani caadaystay inuu gaf iyo aflagaado kula kacayo guud ahaan Muwaadiniinta Qaaliga ah gaar ahaan Madaxda Qaranka isaga oo si qaawan oo badheedh ah wargaysku ugu qaatay qalinka inuu been cad kasheego Beel Waynta Habaryoonis geesta kale walaalayaal isla markaana wargaysku waxa uu ku tilmaamay safarradii u danbeeyay ee Waftigii Xisbiga Waddani ay ku marayeen  Wadamada Imaaraadka Carabta iyo Boqortooyada Sacuudiga Safarro qorshaysan oo ay ka danbaysay Dawladda Soomaaliya isla makaana ay ku qasabtay tagitaanka Sacuudiga waxaanu sheegay inay Dawladda Soomaaliya usii gogol xaadhay oo ay iyadu kasi shaqaysay unasii diyaarisay Martiqaadka dhanka Sacuudiga iyo Hadallo badan oo dhammaantood xaqiiqada ka fog isla markaana Aflagaado iyo Gaf ku ah Gudoomiyaha iyo Xisbiga iyo Cid waloo uu khuseeyay qoraalka wargayska ku qornaa waana sharaf dhac iyo fool xumo loo badheedhay.

Balse horaa loo yidhi Hangaraarac Lug uma dhutiyo Xisbiga Waddanina waxaa waxba u noqon maayo Muwaadin kaliyana kuma waayayo Beenta, Xiqdiga iyo Buqdiga aa ku soo qorteen waraaqihiinna maaha mid ay kaga lumayso Xisbiga taageerada Muwaadiniin tiisu oo maanta Shacabku waa wada indho iyo Wada dhago Wax kastana way ka warhayaan waana 2014kii ee hurdada ka kaca ayaan idin odhan lahaa haddaa tihiin Reer Xog Ogaal oo waxaa ogaataan Gudoomiye Cabdiraxman Ciro inuu yahay laba goorood Gudoomiye oo ninka maanta ugu miisaanka culus Guud ahaanba Qarankan Jamhuuriyadda Somaliland inuu isaga yahay Taariikh iyo Tilmaan cadna inuu leeyahay oo dadku ay idiinka war roonyihiin kiinna wax qoray iyo kiinna ogolaadayba waxaa kaloon idiin sheegayaa Annaga gafkiinu gees kastoonu ka eegnaba waa noo guule, Ogaada inuu idinka guul darriyo gunnimo aa cadaysateen idinku yoo goddob aa gasheen. midda kale waxaa ogaataan maaha mid annaga noo taalla Fikradaha shacabka iyo Maqaalada Masuul kama nihin iyo waa ra`yi dadwayne iyo hana illaawina inaanay rag kala saarayn raali ahaada oo afkaa isku xidheen isku furfura idinkoo geesinnimadaa ku soo qorteen nagaga gar iyo daw baxa Reer Xog Ogaaloow.

Marka labaad waxaan ugu baaqayaa guud ahaan Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaanna qaybaha ku shaqada leh ee Maxkamadaha Garsoorka iyo Ciidamadda Amaanka ee Booliska Sharafta, Cisiga iyo Karaamada naga mudan ee masuuliyadda ah inay muwaadiniinta kala xadeeyaan noohaya idinkoo ixtiraam iyo qadarinba naga mudan waxaanu si xurmo leh idiinka codsanaynaa inaa wax ka qabataan arimaha foosha xun ee Aflagaadadda iyo Gafka isugu jira ee Qabaa`il iyo Qaranba Quseeysa ee Wargayska Xog Ogaal ku baahiyo boga`giisa isla markaana tallaabo sharciga waafaqsan inaa ka qaadaan.

Ugu danbayn hadal badani haan ma buuxsho ee waxaan kaga baxayaa marka hore waanu ka xunahay in masuul iyo muwaadin sharaftiisa meel lagaga dhaco oo war mala awaal ah oo been iyo aflagaada ah laga sheego oo si badheedh ah loogu eedeeyo Kiis Danbi wayn oo Qaran dumis nimo ah oo aanu qabin waliba ay goob warbaahineed si cad iyadii ugu dhiirato inay falkaa ku kacdo waana nasiib darro inay maanta xarumihii wax hagaayay ee warbaahintu halkay wanaag ka hor seedi lahaayeen ee ay umadda horumar keeda u tilmaami lahaayeen inay iyagii u tafa xayteen inay masiibo iyo fidno aloosaan gaar ahaan wargayska Xog Ogaal oo baryahan danbe oo dhan ay kasoo muuqatto inuu doonayo sidii uu uga dhex abuuri lahaa balaayo illaahay haynaga hayo shar dhamaantiiye Waddanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Bulshada Walaalaha ah ee wax wada leh waa se Alxamdulillaah maanta Dad keennu way bislaadeen oo dhammaan tood waa wada waaya arag rag iyo dumar yar iyo wayn wixii Dan tooda ahna way garanayaan.

Waxaanan kula talin lahaa Qoladan Reer Xog Ogaal Abtirsiin tiinna iyo idinku isma lihidin waanay idinka qaldan tahay Halkanna Jamhuuriyadda Somaliland kama soconayso foojari nimadu iyo iska sheegashada waxaanay cidina ahayn markaa saaxiibayaal waa kusoo qaldanteen saxaafadda ee shaqadiinii iska doonta Ceebna maaha qof waliba wuxuu yaqaano ee uu bartay ayuu ku xoogsadaa ee hadday shaqadiinu ahayd istab iyo Bulcadnimo iyo Bulshada inaa kala jajabisaan oo Beel Beel oo ukala saartaan intaa balaayo ka  dhex abuurtaan waa nasiibkiin way dhamaatay waana laga tahay taas inaa hadda wax barataan isku daya.

Wassalaamu Calaykum Wabillaahi Tawfiiq

Allaa Mahad Iska Leh.

Mustafe Axmed Kayse

Muwaadinka dhabta ah

E-mail : xamsekayse@hotmail.com

Mobile : 063 474-0393