Xildhibanadii Waddani ee u codeeyey TALYANLE oo soo bandhigay Dacwad ay u gudbiyeen Maxkamadda Sare

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada oo dhawaan u codeeyey Xildhibaan Talyanle oo isu sharraxay Guddoomiyaha Golahaas oo markii dambe loo doortay Baashe Maxamed Faarax, ayaa soo bandhigay dacwad ay u gudbiyeen Maxkamadda Sare oo ay ku diiddan yihiin qaabkii ay u dhacday doorashadaas oo sida ay sheegeen lays-waydaariyey tirada codadka ay kala heleen labada murashax.

Todobaadkii hore ee la soo dhaafay ayay ahay markii ay Golaha Wakiillada ka qabsoontay Doorashada Guddoomiyaha Golahaas oo uu iska casilay guddoomiyihii hore Cabdiraxmaan hore, waxaana booskaas isu soo taagay Baashe Maxamed Faarax oo ahaa guddoomiye ku-xigeenkii hore iyo xildhibaan Talyanle. Waxaana halkaas Guddoomiyaha Golahaas loogu doortay Baashe Maxamed Faarax oo helay 39 halka xildhibaan Talyanle ka helay 38 cod. Haseyeeshee, Xildhibaannadii doortay Talyanle oo u badnaa xisbiga WADDANI, ayaa ku dooday in tiradaas lays-weydaariyey, isla markaana u Talyanle ku guulaystay Guddoomiyenimada Golahaas.

HADDABA HOOS KA DAAWO DACWADDA AY XILDHIBANNADANI U GUDBIYEEN MAXKAMADDA SARE