Xildhibaano ka tirsan Guurtida oo baaq nabadeed u diray Beelo ku dagaalamay Deegaanka Dacmo

Hargeysa, (SLpost)- Qaar ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa baaq nabadeed u diray laba beelood oo ka mid ah Somaliland oo dirir Colaadeed ku dhexmartay deegaanka l Dacmo oo 30 Km u jirta degmada Buuhoodle.

Xildhibaanadan oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxay baaqooda ku sheegay inay ka xunyihiin dagaalkii dhexmaray labada beelood ee keenay dhimashadda iyo dhaawaca, isla markaana ku booriyey dadka deegaankaas inay nabadda iyo wada-nolaansha ilaaliyaan, “Dad walaalo ah ayaa tihiin oo hadaad idinkuna aad is-dishaan adamiguna adami isku laayo idinkuna aad is-dishaan maxaad ku noolanaysaa. Waar nabadgeliyadda ku noqda oo dadka la heshiya oo adiguna heshiya.”Ayuu yidhi xildhibaan ka tirsan golaha guurtida Somaliland

“Colaad wiil-baa ku dhintee wiil kuma dhasho, waxaanu leenahay joojiya dagaalka . Walaalayaal waa la idin hanweyn yahay Somaliland ahaan beel ahaan waan idin hanweyn nahay.”

Xildhibaan Faadumo ayaa dumarka beelaha dirirtu dhexmartay ku boorisay inay ka qayb-qaataan deminta colaadda maadaama dhibata ugu badani iyaga taabanayso, “Waa la og yahay maanta colaad dhibaatadda ay leedahay. Markas waxaanu walaalayaal aad iyo aad idinku guubaninaynaa, runtii khaas ahaan dumarka inay ka qaybqaatan in nabadgeliyo lagu soo celiyo,”ayay tidhi xildhibaan Faadumo

Xildhibaanaddu waxay hadalkeedii sii raacisay “Maanta caalamku wuu ka baxay reer hebel iyo reer hebel ee aniga maxaa inoo diiday oo inagu celiyey qabyaalad, maxaa anigu celiyey in aynu raadkeeni dib u raacno.Haweenka waxaan aad uga baryeyaa oo aan ku guubaabinayaa mar walba inay igu ahaadan kuwa qabta ilmahooda iyo raggooda iyo walaalahooda kuwa ay dhibaatadu gaadhaysaan waa idinka .

“Waxaan idin leeyahay sarra kaca oo calamo cad-cad qaata oo nabadgeliyo dhex dhigga.”

Dagaalkan dhexmaray labada beelood oo walaalo ah ku dhexmaray deegaanka Dacmo waxa uu keenay dhimasho iyo dhaawac taaso baryahanbaa lagu jiray waan-waanteeda iyo sidii loo bakhtin lahaa dabkaasi laba beelood.

SLpost News

Hargeysa, Somaliland