Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada oo sheegay in Xeerka Wareejinta Maxaabiistu sahlayo in la kala Iibsaddo Maxaabiista ku jirta Jeelasha dalka

Hargeys, 21 February, 2012 (SLpost)- Saddex Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay ansixintii goluhu ku ansixiyeen xeerka kala wareejinta maxaabiista iyaga oo ku ooday in uu xeerkani yahay mid caqabad ku ah bulshadda Somaliland.
Saddexdan Xildhibaan oo kala ah Xildhibaan Maxamed Saalax Cige, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble iyo Xildhibaan Saleebaan Cabdi Cali (Bukhaari) oo shir jaraa’id oo ay xarunta Golaha ku qabteen ka dib kulankii goluhu ku ansixiyey laba xeer, waxay ay tilmaameen in uu xeerkani yahay xeer halis ah oo caqab ku noqon doona bulshadda Somaliland, waxana ay si adag u iftiimiyeen in xeerkan ay ka dhalan karto in la kala iibsaddo maxaabiista dalka, waxna ay intaas ku dareen in bulshaddu fiiro gaar ah ka yeelato ansixinta xeerkan.
Xubnahan Xildhibaanadda ah oo ahaa saddexda Xildhibaan ee kaliya ee ka soo horjeestay ansixinta Xeerka Wareejinta Maxaaabiista oo Golaha buuq ka dhex dhaliyey,  waxa ay si cad ugu nuuxnuuxsadeen inaan xeerkan laga doodin, waxana ay dhaliilo iyo eedayn culus u soo jeediyeen shir-gudoonka golaha wakiiladda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, xildhibaanaddan ayaa ku eedeeyay gudoomiyaha inaanuu haba yaraatee golaha horkeenin doodad iyo naaqishaadka xeerkan.
Ugu horeyn waxa shirkan jaraa’id ka hadlay Xildhibaan Siciid Cilmi Rooblle, waxana uu hadalkisii ku bilaabay “Golahani waxa uu noqdey mid afduuban, kaas oo u afduuban Shir gudoonka, xeerar kalle oo baddan oo uu ka mid yahay kan maanta oo kalle ayaa la ansixiyay, kuwaas oo aan laga baaran dagin, dhibaatona ku noqon doonta bulashadda”, waxana uu intaas ku daray “Gudoomiyaha Goluhu WADANI buu galay, waxana meesha lagu fadhiyaa saddex xisbi, Sharciyadda uu kursigan ku fadhiyna ma garanayno.”
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooblle,, waxa uu si adag ugu nuuxnuuxsaday xeerka kala wareejinta Maxaabiista, kaas oo ay maanta cod gacan taag ah ku ansixiyeen Mudanayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland “Xeerka lala wareejinta Maxaabiista, sifo sharci ah kagama uu bixin golaha, xeerkaas Wareejinta Maxaabiista wel wel weyn baan ka qabaa, waa xeer keeni kara in lakala gato maxaabiista”.
Sidoo kalle waxa isna madashaasi ka hadlay Xildhibaan Maxamed Saalax Cige, waxana uu sheegay in ansixinta xeerkani ay ahayd mid sharci darro ah, isaga oo intaas ku daray in habka loo maray ansixinta xeerkani uu ahaa mid baal marsan qawaaniinta iyo sharciga golaha, “Runtii waxa aniga layaab igu noqotay xeer aan soo marin golaha, oo aan laga baaraan dagin, oo aan laga doodin, oo aan wax ka badal lagu sameyn oo aan soo marin guddi oo haddana la keenay shalay Golaha in isla maantaba la ansixiyo, waa mid nasiib darro ah, walina lama arag tan oo kalle” Ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Saalax Cige, waxana uu intaasi ku daray “Xeerkani in gacan loo taago oo qudha kuma xalaaloobayo”.
Xildhibaan Maxamed Saalax Cige waxa uu fariin u direy mudanayaasha Golaha Guurtidda Somaliland, waxana uu uga digey in ay ansixiyeen xeerkan, isla markaana waxa uu ka codsaday in ay ka fiirsadaan xeerkan, madaama uu si hawl yar ay u soo ansixiyeen golaha Wakiiladda Somaliland.
Ugu dambeyntii waxa isna madashaasi ka hadlay Xildhibaan Saleebaan Cabdi Cali (Bukhaari),ayaa xeerkan ku tilmaamay mid  dabada lag riixayo oo u socda hab ganacsi“Xeerkan waxbaa dabada ka riixaya oo waxaan labada xeerba aan u arkaa inuu ka maqnayn qaab ganacsi oo ay xeerarkaas ay lacagi ku xidhan tahay oo waxa imman doonta iyada oo maxaabiista la kala iibsado,”ayuu yidhi Xildhibaan Bukhaari

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net