Xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka Hargeysa oo beeniyey inuu Jiro Olole loogu jiro Mooshin xilka lagaga xayuubinayo Maayarka Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Qaar ka mid ah Xildhinaada Golaha Deegaanka ee Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa beeniyey inay wadaan Mooshin ka dhan ah Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Cabdiraxmaan Solteco) iyo ku xigeenkiisa  Cabdicasiis Cago weyne.

Xildhibaanadan ayaa sheeegay in laga been abuuray oo aanay waxba ka jirin Mooshinkaas la sheegay in xilka lagaga qaadayo.

Xildhibaanada ku jiray Magacyadii lagu xusay qaar ka mid ah Warbaahinta Somaliland, isla markaana la sheegay inay wadaan Mooshinka xilka lagaga qaadayo Maayarka Caasimadda, ayaa Shir jara’iid oo maanta  ku qabteen Xafiiska Maayarka Caasimadda ku beeniyey warkaasi.

Xildhibaan Maxamed Aw Aadan Wayrax oo isagu ka tirsan Golaha Deegaanka ee Caasimadda, isla markaana ka ah Guddoomiyaha Waaxda Dhaqaalaha ee Dawladda hoose Hargeysa, ayaa isagu sheegay in aanay waxba ka jirin inay doonayaan sidii ay xilka uga qaadi lahayeen Maayarka Caasimadda, waxaanu yidhi isaga oo arintaas ka hadlay “Waa been oo waxba kama jiraan warka lagu qorey Wargeyska Dawladda ee Dawan ee ahaa in Xilka laga qaadayo Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Cabdiraxmaan Solteco), sababtoo ah Maayarka laba bilood oo qudha ayuu xilka hayey, laba cishana uu bukay, marka warkaasi wax alaale wax ka jira ma jirto, runtiina aniga waa laga been abuurtay, kamana hadhayo Wargeyska oo Maxkamada ayaan la galaya, marka wey soo bixi doonto iyagaana sheegi doono warkan been abuurka ah halka ayka keeneen iyo inay iyagu sameeyeen, xaqiiqdiina waa looga wanaagsana inay warkan been abuurka ah ee salka iyo raadka doona halayn qoraan”.

Waxa kale oo isna Shirkaas Jara’iid ka hadlay Xildhibaan Saleebaan Daahir Dogox  oo ka mid ah Xildihaanada Golaha Deegaanka Caasimadda, isla markaana ah Guddoomiyaha Waaxda Arimaha Bulshada ee Dawladda hoose Hargeysa, waxaanu sheegay in aanu jirin wax alaale wax uu ka og yahay warkan ah in la wado Mooshin xilka lagaga qaadayo Maayarka Caasimadda waxa kale oo uu sheegay in Magaciisa laga been abuuray.

Xildhibaan Xasan Cali Cabdi (Xasan Shahar), oo isna Shirkaas Jaraa’iid ka hadlay ayaa ka hadlay Mooshinkan la sheegay in lagu wado Maayarka, waxaanu xusay in aanay jirin wax alaale waxa uu arintaas ka og yahay isaga oo beeniyey inuu jiro Mooshin lagu wado Maayarka.

Ugu dambeyntii Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid oo isna Shirkaas Jaraa’iid ka hadlay ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin in isaga Mooshin xilka lagaga tuurayo ay qaar ka mid ah Xildhibaanaa Golaha Deegaanku wadaan, waxa kale oo uu sheegay inuu xeer ilaalinta ka dacweynayo Wargeyskii warkaas ka qorey.

 “xildhibaanadan aad arkayso waa laga been abuuray wax ka jiraaana ma jiraan, sidaa darteed wargeyska Dawan ee qoray warkaasi kagama hadhayno ee waa inoo cadeeyaa, wax ka jiraa mooshinkaasi ma jiro, waakuwan xidhibaanadii la sheegay inay mooshinkaasi wadaan, waxaanu dhamaatayo u shaqayaynaynaa waa shacabka caasimada, wax khilaaf ah oo arrintaasi ka jiraa ma jiro”ayuu yidhi maayarka Hargeysa oo arrintaasi ka hadlayey.

Si kastaba ha ahaatee, wargeyska ku hadla Afka Dawladda ee DAWAN ayaa baahiyey war aanay waxba ka jirin, taas oo ay xildhibaanadda golaha deegaanka Hargeysa sheegeen inay dacwad ka dhan ah arrintaaasi maxkamadda u gudbinayaan.

Somalilandpost.net/Hargeysa