Xildhibaano Ka Hadlay In Abaarta Darteed Dib U Dhac Ku Iman Karo Doorashooyinka

(SL.Post) Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan Dheere), Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane) ayaa ka hadlay aragtidooda ku saabsan in abaarta dalka ka jirtaa keeni karto dib u dhac ku yimaada doorashadii madaxtooyada ee March 2017.

Xildhibaanadan oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa ugu horeyn Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan Dheere),oo ka tirsan Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye oo ka hadlaya  xaaladda abaareed ee dalka  ka jirta ayaa yidhi “Abaartu dalka oo qudha kama jirto, ee wadamo badan oo Afrika ah ayey ka jirtaa, Deeganada ugu daran ee abaartu dalkeena sida daran uga jirto waxa ka mid ah Sool, Sanaag, Togdheer, Hawd iyo meelo kale oo badan, waxaana dadkii ay abaaruhu hayeen iyo xoolihiiba la geeyey Gobolada Gabiley iyo Awdal, oo aan aad ugaga mahadnaqayo dadka labadaas  Gobol sida wacan ee ay u soo dhaweeyeen dadkoodana dhibaataysan, in dadkan abaaruhu hayaan wax la taro, waxaana Xukuumadda leeyahay dadaalka sii laban-laaba, oo sii kordhi,  waxaana haboon in cid walba oo wax awooda inay dadkooda jilicsan wax taraan, Beesha Caalamkana waxaan leeyahay doorkiina ka qaata, Guddida Abaaraa waxaan kula talinayaa inay dadaalka sii kordhiyaan.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan Dheere),oo aanu wax ka weydiinay sida uu u arko hadalkii ka soo yeedhay Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda iyo Kulmiye oo sheegay in Doorashadu dib u dhac ku iman karo abaaraha darteed, wuxuu yidhi “ILLAAHAY baa wax walba og, isaga ayaa qaybka og, oo wixii soo socda iyo waxa dhacaya cidina lama oga, waxaana dhici karta in ILLAAHAY intaas ka horeeysa wakhtiga Doorashada inuu roob inoo shubo, oo roobku inoo da’o, haddii aynaan intaas roob helin, oo abaartu sii socotana, ALLE kama dhige, arinta Doorashada waa laga wada tashan doonaa, oo meel baa wax la isla dhigi doonaa”.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan Dheere), ayaa mar aanu wax ka weydiinay sida uu u arko hadalkii dhawaan ka soo yeedhay Safiirka Turkiga ayaa yidhi “Waa wax iska cad in aanu marnaba Turkigu dhex ahayn, oo mar walba u jan-jeedho Somaliya, arinta wada hadaladana daacad kama ah, ee midnimo ayuu doonaya, balse marnaba midnimada iyo waxa uu doonayo suurtagal ma noqonayso, Xukuumadduna waxay wakiil ka tahay Shacabka reer Somaliland, waxayna ila tahay in wada hadaladu aanay ku dhamaanayn is afgarad, madaama Dastuurka Somaliland qorayo in madaxbanaanida Somaliland tahay muqadas, distoorkana Somaliya qorayo midnimo, markaas aynu eegno sida ay wax noqdaan”.

Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo isna ka hadlay dib u dhac ku yimaada Doorashada ayaa yidhi “La taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca Doorashada Cabdilaahi Jawaan waa nin oday ah, hadalka uu ku hadlay waa xaqiiqo, waxaana dhab ah in Xukuumaddani Doorasho diyaar u ahayn, oo aanay Doorasho qaban Karin, Tartankii koobka Gobolada ayeynu ogeyn sida ay ugu fashilantay, ee Doorashana hadalkeedaba daa, muddo kordhintii Doorashada Barlamaanka waxay ahayd marmarsiiyo, Abaartana Xukuumaddu way ku hoos gabanaysaa, oo waxay doonaysa muddo kordhin dambe oo Madaxtooyada ah, balse war jiraaba cakaaru iman, ee aynu aragno waxay la timaado”.

Xildhibaan Siciid Gaane ayaa mar uu ka hadlaayey hadalkii Safiirka Turkiga ayaa yidhi “Wadanka Turkigu mawqifkiisa uu caddeeyey, waxaanu sheegay in ujeedada wada hadaladu uu yahay sidii loo midayn lahaa Somaliland iyo Somaliya, sida cadna Xukuumaddani waxay ugu sii dhegan tahay wada hadalada wax kale maaha ee waa lacag, qadiyadii iyo ictiraaf raadintii dalka ayey ka doorbiday lacag, wadamadii Somaliland qadiyadeeda ogolaa wakhtigii Daahir Rayaale meesha wey ka baxeen, waxaana ka saartay Xukuumaddan Axmed Siillaanyo”.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo isna arintan ka hadlaya ayaa yidhi “Abaar xun ayaa dalka ka jirta, laakiin dadkeenu uu isku gurmaday, inuu sidaas iyo si ka sii wanaagsan iskugu gurmadana ayaa loo baahan yahay, Caalamkuna waa inuu inoo soo gurmada, balse arintan Doorashada wax faalo ah oo aan ka bixinayaa ma jirto”.

 

Somaliland.net