XIldhibaanno ka tirsan Mucaaradka Golaha Wakiillada oo la xidh-xidhay, Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiye Cirro oo ka hadlay

Hargeysa (SLpost)- Xildibaano ka tirsan Mudanayaasha Mucaaridka ah ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Xabsiga loo taxaabay maanta, waxaana Xildhibaannadaas lagu xidhay xarunta Laanta Dembi-baadhista Ciidammada Booliska ee CID-da.

x

Xildhibaanadan oo tiradoodu tahay Shan, ayaa kala ah Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan, Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa, Xildhibaan Maxamed Saalax iyo Xildhibaan Xuseen Cige, kuwaasoo lagu eedeeyey inay abaabulayeen Muddaharaad sharci-darro ah.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ahna guddoomiyaha xisbiga Waddani, oo aan ka tegin Golaha Wakiillada oo uu sheegay in Xukuumaddu xoog ciidan kula wareegtay, ayaa cambaareeyey xadhigga mudaneyaasha oo dhammaantood ka tirsan Xisbiga Waddani.

“Golihii waxa laga qaaday sharaftisii, waxaa la wareegay oo ilaa Arbacadii haysto Ciidamo la wareegay, saaka waddooyinkoo dhan waa la xidhay oo golihii waa la afduubay,” ayuu yidhi Md Cabdiraxmaan Cirro.

Waxa uu guddoomiye Cirro xusay inay jiraan Siyaasiyiin Xisbigiisa ka tirsan iyo Wariyeyaal la xidh-xidhay, kaas oo uu ku tilmaamay inuu yahay sharci-darro.

Guddoomiye Cirro oo la weydiiyey in Mooshinka xilka lagaga qaadayo ee Mudaneyaasha muxaafidku soo dhigeen golaha uu sharci yahay iyo In kale, waxa uu qiray inuu sharci yahay balse uu ka soo horjeedo go’aan golaha guurtidu hore ugu gaadhay inaan golaha wakiillada la keeni karin mooshin ka dhan Shir-guddoonka.

Madaxweynaha Somaliland oo goor-dhawayd shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa wax laga weydiiyey xadhigga mudaneyaasha iyo meel ka dhaca xasaanadda ay yihiin.

“Xildhibaannada Sharciga kama weyna, xildhibaannada in layska raadsado maaha, ixtiraam bay mudan yihiin, laakiin wixii sharciga ku xad-gudba, sharciga kama weyna,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET