Xildhibaanno ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa oo Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay inuu Golahooda kala diro

Hargeysa (SLpost)- Toban Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa, ayaa Madaxweynaha Somaliland u soo jeediyay inuu kala diro Golahaasi, ka dib markii ay ku eedeeyeen Maamulka dawladda Hoose inay xalaalaysteen hantidii ummadda, isla markaana is hortaageen inay xil-gudashada Mudanayaasha Golaha Deegaanka sharcigu u oggolaa.

Xildhibaannadaas oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxa kale oo ay naqdiyeen Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Gudaha Cismaan Garaad Soofe oo Joojiyay shir aan caadi ahayn oo ay dalbadeen Xildhibaanno ka tirsan Golaha Deegaanka Caasimaddu. Ugu horreyn Xildhibaan Ismaaciil Cabdi Cige (Ismaaciil-Caymis) oo ka hadlay shirkaa jaraa’id ayaa ka warramay ujeeddada shirkooda, jawaabo iyo go’aanno uu sheegay inay soo saarayaan. “Waxaannu halkan ku fadhinaa toban Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa, waxaannu doonaynaa inaannu halkan kaga hadalno jawaabna ka bixinno go’aanna ku sheegno. Golihii deegaanka ee Caasimaddu waxa uu noqday mid hawl-gab ah oo hawshii sidii u dhammayd la jujuubo. Waxaana aannu arrintaasi u aragnaa kala diris dadban.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Caymis.

Ismaaciil Caymis waxa uu sheegay in loo baahan yahay in wax laga qabto musuqmaasuq uu tilmaamay inuu dawladda Hoose ee Caasimadda hadheeyey. Isaga oo arrintaa ka hadlaayana waxa uu yidhi; “Waxa Go’aankayagu yahay in kala dirista sifaha sharcigu yahay u marno oo aannu halkan ka caddayno wixii xeerku ka odhanayo arrintaasi, markii lagu jiray olalihii doorashada Madaxtooyada waxa uu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu olalaha ku galay qodobbo ay ka mid ahaayeen inuu furayo ururrada Siyaasadda. La dagaallanka Musuqmaasuqa iyo Caddaalad-darrada. Waxaannu leenahay Ururradii Siyaasadda waa la furay, Caddaaladdiina wax baa laga qabtay, tii ugu darneyd oo ahayd ladagaallanka Musuqmaasuqa in kasta oo uu dedaalay hanta-dhawraha guud ee Qaranku Tallaabooyin aad u fiicanna ka qaaday Gobollada qaarkood sida Gabilay, Burco iyo Hargeysa wax ka qabqabtay, laakiin markii uu Hanti-dhawrku soo galay dawladda Hoose ee Hargeysa oo ahayd meeshii la doonayay inay noqoto tusaale Qaran oo ay muraayad u noqoto la xisaabtanka waxa soo baxday in Tallaabadii ugu horeysay ee Hanti dhawrku ku soo eedeeyay Xoghayaha dawladda Hoose inuu si toos ah isu hor taagay Wasiirkii arrimaha Gudaha ee dhawaan is casilay. Warannadii qabashada ee Xoghayahana uu jojoba. Xoghayihiina uu wali sii shaqaynayo.”

“Mudanayaasha Golaha deegaanku waxay soo jeediyeen mooshin maamuus ka Xayuubin ah oo Maayar Ku-xigeenka ah, taasna waa la is-hortaagay, waxaanu garan waynay sababta marka Hanti dhawrku uu soo galo dawladda Hoose ee Hargeysa waxba loo dhaqaajin la’yahay. Sidaas darteed, maaddaama oo aannu gacanta ku hayno wareegto uu soo qoray Wasiir ku-xigeenka Arrimaha gudaha ahna ku-simaha Wasiirka Arrimaha gudaha oo leh Golaha deegaanku ma qabsan karaan shir aan caadi ahayn sababo ammaanka la xidhiidha dartood, waxaannu garan waynay sababta halka Caasimaddii Hargeysa asbaab nabadgelyo- darro ah loo qaban waayay hawl.”ayuu yidhi Md. Ismaaciil Caymis.

Ismaaciil Caymis waxa uu Madaxweynaha Somaliland u soo jeediyay inuu kala diro Golaha Deegaanka ee Caasimadda Hargeysa waxaanu yidhil; “Waxaannu leenahay Madaxweyne maaddaama oo aannaan shaqadayadii u madax-bannaanayn waxaannu doonaynaa inaannu soo jeedinno in sifaha sharciga ah nalagu kala diro. Kala dirista Golaha deegaan waxa sheegaya xeerka Gobolada iyo degmooyinka qodobkiisa 30-aad haddii la doonayo in la kala diro Golaha Deegaanka waxa soo jeedin kara 8 xubnood, waxaana ansixin kara saddex meeloodoow laba meelood. Halkan waxaanu ku fadhinaa in ka badan 8 Xubnood waxaannu soo jeedinaynaa maaddaama oo aan loo oggolayn shaqo Golihii Deegaanka Hargeysa waxaannu soo jeedinaynaa inaad Madaxweyne kala dirto Golaha Deegaanka Hargeysa. Saddexdii xubnood ee maamulka fulinta dawlada Hoose oo ah Maayarkii, Maayar Ku-xigeenkii iyo Xoghayihiiba ay noqdeen kuwo ka magacaaban Wasaaradda Daakhiliga. Maamulkaasi maaha kuwo wax ka dhagaysanaya Golihii maamulka u dhiibtay, isla markaana si toos ah ugu tagri falaya hantidii ummadda.”

Ismaaciil Caymis waxa uu sheegay in dawlada Hoose ay gashay fadeexado badan oo musuqmaasuq isla markaana oo ay soo bandhigi doonaan.

Xildhibaan Jaamac Ismaaciil Cigge (Jaamac Shabeel) oo ka mid ah Golaha deeganka Hargeysa ayaa sheegay inuu ka xun yahay in dawlada Hoose uu ka shaqayn la’yahay waligii sharcigii, waxaanu Madaxweyne Axmed Siilaanyo ka dalbaday inuu wax ka qabto farro gelinta uu ku sameeyay Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Guduhu fadhiyadii Golaha deegaanka caasimada Hargeysa.

“Waxaan Madaxweynaha u soo jeedinaynaa inuu kala diro Golaha Deegaanka Hargeysa si aan bulshada been loogu sheegin oo aan loo odhan Gole ayaa idiin jooga, waxaana maamulka dawlada Hoose xalaalaystay Musuqmaasuqii iyo hantidii ummada.Guddida fulinta ee dawlada Hoose wax kasta haddii aanu kula hadalo Gole deeegaan ahaan hadalkayagu ugama duwana dabaylahaas dhacaya sanqadhooda,”ayuu yidhi Md. Jaamac Ismaaciil Cigge.

Xildhibaan Yuusuf Kirix Cawad, ayaa sheegay inuu ka xun yahay tallaabada uu Wasiir ku xigeenka arrimaha guduhu ku Joojiyay fadhi aan caadi ahayn oo Golaha Deegaanka Hargeysa, waxaanu ku sifeeyay Ku simaha Wasiirka Arrimaha gudaha inuu dambi ka galay dalka oo uu wax u dhimay shuruucdii dalka.

Somalilandpost.net

somalilandpost08@gmail.com