Xildhibaanno ka tirsan Golaha Deegaanka Gabiley oo Xabsiga loo taxaabay iyo Sababta ka dambaysa

Gabiley (SLpost)- Ciidamada Ammaanka, ayaa maanta Xabsiga u taxaabay Afar Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada Gabiley, kuwaas oo loo dhaadhiciyey Xarunta Ciidanka CID-ka ee Hargeysa.

 

Lama oga sababta Xadhigga xildhibaannada oo huwan Xasaanad ay leeyihiin, haseyeeshee waxa lagu lala xidhiidhinayaa laguna inay ka dambeeyeen been-abuur ay ka sameeyey Maayarka Magaaladaas oo mid ka mid ahi magaciisa u isticmaalay Waraysi uu siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da.

 

 

Baahinta Subaxnimo ee BBCSomali, ayaa saaka lagu waraystay Laba Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Deegaanka Gabiley, kuwaas oo mid ka mid ahi sheegtay inuu yahay Maayarka magaalada Gabiley, iyadoo markii dambe uu hadlay maayarka Maxamed-Amiin oo beeniyey inuu wax waraysi ah siiyey Idaacadda BBC-da, qofka magaciisa sheegtayna been-abuur ka sameeyey.

 

Xildhibaannada la xidh-xidhay ee dhacdadan lagu tuhmay, ayaa ah mudaneyaal mucaarad ku ah maayarka Gabiley, kuwaas oo dhawaan dalbaday fadhi aan caadi ahayn oo ay soo dhigeen mooshiin xilka lagaga xayuuribinayo maayarka, haseyeeshee waxa codsigooda ka diidday Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo go’aanka ay qaateen ku tilmaantay sharci-jebin iyo mid baalmarsan xeerarka dalka.

 

Mudaneyaasha la xidh-xidhay, ayaa magacyadoodu kala yihiin Xildhibaan Mahdi Maxamed (Jiijaa), Xildhibaan Iid Xasan Cabdi, Xildhibaan Buraale Mowliid, Xil. Xasan Maxamed Axmed, kuwaas oo dhammaantood laga qab-qabtay magaalada Gabiley, markii dambe loo gudbiyey Xarunta Ciidanka Dambi-baadhista ee Caasimadda Hargeysa, halkaas oo baadhitaanka Kiiska loo haystaa ka socdo.

 

Waraysi Idaacadda BBC-du la yeelatay Laba ka mid xildhibaannada oo midkood la tuhunsan yahay inuu isticmaalay magaca Maayarka, ayaa ka dambeeyey kaddib markii Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland shalay soo saartay wareegto uu ku mamnuucay kalfadhiyada aan caadiga ahayn ee goleyaasha deegaanka dalka iyo mooshinno xilalka lagaga qaado maayarrada maadaama muddo-xileedka goleyaasha deegaanku dhammaad ku dhow yahay, xilligii doorashooyinkana wakhti koobani ka hadhsan yahay.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net