Xildhibaanno Golaha Wakiillada u gudbiyey Mooshin wax-ka-beddel xeerka Doorashooyinka ah

Hargeysa, (SLpost)-  Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa Mooshin horkeenay fadhigii shalay ee Golaha.

Xildhibaannada Mooshinka keenay oo tiradoodu dhamayd 19 mudane, waxa Mooshinkoodu ku saabsanaa wax-ka-bedel iyo kaabis lagu sameeyo Xeer Doorashooyinka Somaliland.

Fadhigii shalay oo uu shir-gudoominayay gudoomiyaha golahaas Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa waxa uu ka hor akhiriyey magacyada xildhibaannada soo gudbiyey Mooshinka wax ka bedelka iyo kaabista Xeerka Doorashooyinka, Xildhibaannada soo gudbiyey Mooshinkaasi ayaa qodobada ay dalbanayaan in laga saaro Xeerka waxa ka mid ah qodobka da’da isku soo sharraxaysa Golaha Degaanka, kaasoo sheegaya inuu 35-jir ahaado musharaxu, waxaanay Soojeedintooda ku sheegeen Xildhibaanadaas in da’da laga dhigo 25 sanno.

Mooshinkan ayaa mudooyinkii u dambeeyey waxa laga dareemayay Golaha Wakiilada iyo saaxada siyaasaddeed ee Somaliland.

Xildhibaan Cali Maxamed Xasan (Mareexaan0 oo ka mid ahaa Xildhibaanadii keenay Mooshinka ayaa tilmaamay inay tani guul u tahay dhalinyaradda reer Somaliland, isagoo arrimaha ka hadlaya waxa uu yidhi “Mooshinkan aanu imika soo jeedinay ee sagaal iyo tobanka Xildhibaan soo jeediyeen, runtii waxa uu ku saabsan yahay laba qodob oo muhiim ah oo xaaladda uu dalku imika aad iyo aad ugu baahan yahay waana wax ka bedelka xeer 20-ga ee doorashooyinka Madaxweynenimo iyo Golaha Degaanka, waxa uu gaar ahaan u khuseeyaa labada qodob ee Golayaasha Degaanka, midi waxa weeye da’da dhalinyaradu ay ku galayso tartanka doorashada oo xeerka imiku uu dhigayo da’da 35-jir ah. Ujeedadu waxa weeye in dhalinyarada dabarka laga jaro oo xuquuqdooda loo ogolaado in tiradaa tiro ka yar ay ku galaan doorashooyinka.” ayuu yidhi Xildhibaan Cali Mareexaan.

SLpost News Desk

somalilandpost [at] yahoo.com