Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dood adag ka yeeshay Xeerar Xaasasi ah oo ku jira Ajandaha Kalfadhiga 28aad oo Anisixintiisa Berri loo ballansan yahay

XILDHIBAANNADA GOLAHA WAKIILLADAHargeysa (SLpost)- Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa fadhigoodii maanta dood adag ka jira Ajandaha Kalfadhiga 28aad ee golahaas oo maalintii Sabti ee todobaadkan furmay, waxaanay mudaneyaasha halkaas fekerkooda kaga dhiibteen Xeer ka mid ah Ajandaha kalfadhiga qaarkood dood xaasaasi ah ka dhex-abuureen mudaneyaasha.

Fadhiga maanta ee Golaha oo uu Shir-guuddoominayey Guddoomiyaha Golahaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxa Xeerarka ku jira Ajandaha Kalfadhiga 28aad ee mudaneyaasha Golaha Wakiillada sida adag doodahooda uga dhiibteen, ayaa waxa ka mid ah Xeerka Doorashada Golaha Wakiillada oo qayb ka ah khilaafka siyaasadeed ka taagan doorashooyinka dalka.

Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Cali-Mareexaan) iyo Xildhibaan Baar Siciid Faarax, ayaa ka mid ahaa mudaneyaal sida adag uga dooday Xeerka Doorashada Golaha Wakiillada, waxaanay soo jeediyeen in la meelmariyo Xeerkaas si doorashooyinku uga qabsoomaan dalka.

Sidoo kale, waxa ay mudaneyaasha Golaha Wakiilladu si adag uga doodeen Xeer lagu magacaabay ‘Xeerka Kufsiga iyo Jinsiga’ oo eray-bixintiisu dood adag ka dhex-dhalisay mudaneyaasha Golahaas oo qaarkood ku tilmaameen xeer aan munaasibad ku ahayn dhaqanka iyo Diinta Suubban.

HALKAN HOOSE KA DAAWO