Xildhibaannada Degmada Boorama Oo Xilkii Ka Qaaday Maayarkii Iyo Ku-xigeenkii Magaaladaas

Boorama, (SLpost)- Xildhibaanada golaha deegaanka degmada Boorama oo maanta kal-fadhi yeeshay ayaa xilkii ka qaaday Maayirkii magaaladaas iyo ku xigeenkiisii, waxaanay doorteen maayar cusub iyo weliba ku-xigeen.

Fadhigan oo uu goob joog ka ahaa gudoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa waxa ka soo xaadiray 18 xildhibaan oo ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka Boorama.

xildhibaanada ayaa cod gacan taag xilka kaga qaaday maayarka iyo kuxigeenkiisii.

Isla goobta ayay ugu doorteen xildhibaan Maxamed Xassan  (Maydhane) in uu noqdo Duqa Boorama halka ku-xigeenna loogu doortay  Cumar Ileeye Jaamac.

Xildhibaanada golaha deegaanka Boorama ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxa ka dhexeeyay khilaaf ragaadiyay habsami u socodka hawlaha dawladda hoose ee Boorama.

Source: HCTV