Xildhibaanada Golaha Wakiilada Oo Haamaha Shidaalka  In La Kirayn Karo iyo In Kale Bari Cod U Qaadaya

 

Hargeysa(SLpost)-Mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa cod u qaadi doona maalinta bari ah kiraynta haamaha shidaalka ee Berbera oo xukuumaddu ay doonayso in ay ku wareejiso dad ganacsato ah.

waxa arintan ka danbaysay kadib markii guddoomiyaha gudida ilaalinta hantida qaranka ee golaha wakiilada Maxamed Cali Xirsi (Obama) uu golaha ka hor akhriyay macluumaad la xidhiidha haamaha shidaalka ee dalka, waxa uu sheegay gudoomiyahu in tobankii bilood ee ugu danbeeyay dalku uu haamaha shidaalka ka helay lacag ka badan 24 milyan oo doolar, isla markaasna aan loo baahnayan wakhtigan in la kireeyo, ugu danbayntiina waxa uu codsaday in cod gacantaag ah loo qaado taas oo loo balansanyahay maalinta bari ah.

xildhibaanada golaha wakiilada oo ay ka muuqatay inay u codaynayaan in aan haamaha shidaalka lagu wareejin ganacsato ayaa iyagu dalbaday in maanta cod loo qaado waxaana is hortaagay gudoomiyaha golaha oo maalinta bari ah u dhigay.

 

Somalilandpost

Hargeysa Somaliland