Xildhibaan Soltelco oo Waxba Kama Jiraan ku tilmaamay inuu Loollan ugu jiro Jagada Maayarnimada Caasimadda

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo ka tirsan mudaneyaasha Golaha Deegaanka ee Caasimadda Hargeysa, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar lagu baahiyey warbaahinta oo lagu sheegay inuu loollan ugu jiro jagada maayarnimada Caasimadda.

Xildhibaan Soltelco oo caawa soo saaray warsaxaafadeed uu ku beeninayo warkan, waxa uu sheegay inaanay jirin wax loollan ah oo ka dhex-jira Golaha Deegaanka Caasimadda maadaama Guddoomiyihii ay doorteen uu nool yahay.

Warsaafadeedka Xildhibaan oo dhamaystiran ayaa u dhignaa sida:

soltelco“Waa wax laga xishoodo in qof bina aadam ah laga been abuuro, isla markaana waa wax anshaxa saxaafadda ka baxsan in qof war laga sameeyo iyadoo aan wax laga weydiin.

Wargeyska Waaheen cadadkiisii Sabtidii shalay soo baxay waxa uu daabacay war odhanaya ‘Maayarka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa Eng. Yuusuf Warsame Siciid oo xilkii iska casilay, iyo xildhibaano olole ugu jira buuxinta jagadaas.’

Tartanku waa mid mar walba banaan, laakiin waxa wax laga naxo ah in Been abuur intaas le’eg inta la sameeyo isla markaana magacayga lagu daro iyadoo laygu eedaynayo inaan olole ugu jiro jagada Maayarnimada. Taas oo aanay waxba jirin, isla markaana ah mid dhaqanka iyo bina aadamnimada ka reeban in qof nool oo aanu si xor iyo xalaal ah ku dooranay ilaa haddana ah guddoomiyahayagii Golaha Degaanka Hargeysa uu wargeyska Waaheen nagu masabido inaanu xilkiisii olole ugu jirno.

Anniga oo ah Xildhibaan Cabdiraxmaan Soltelco, waxaan ahaa Xildhibaankii ugu horeeyay ee Eng. Yuusuf Warsame Siciid u tanaasula wakhtigaas oo uu igu jiray hankaasi, maantana igama suurowdo dhaqanna uma lihi in wixii aan shalay uga tanaasulay aan noqdo mid daba-fura.

Nasiib wanaag, Xildhibaanada cusub ee Golaha Deegaanka Caasimaddu waa kuwo aragtidoodu ka fogtahay mansab laysku er-eryo, waa kuwo isku ixtiraama aqoonta midba ka kale kaga horeeyo iyo waayo-aragnimadiisa, sidaas darteed ayaanu Maayarka Hargeysa, Eng. Yuusuf ugu dooranay inuu hogaamiyo xildhibaanada Golaha Degaanka Caasimadda, maadaama oo uu yahay ka noogu aqoon iyo waayo-aragnimaba badan.

Sidaas darted, waxaan halkan ku caddaynayaa inaanu warka wargeysku daabacay ahayn mid jira, isla markaana aanu golaha deegaanka Hargeysa wakhtigan ka dhex jirin wax tartan iyo olole ah, sidoo kalena aanay jirin is-casilaad uu Eng. Yuusuf iska casiley Maayarnimadii. Waxaanan leeyahay waar ha loo tudho xildhibaanadayada cusub oo yaan been iyo jaha-wareer lagu riddin shaqada naloo soo doortay ee aanu diyaarka u nahay inaanu ka midho-dhalino.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco)

Golaha Deegaanka Hargeysa