Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo Xukuumadda ku eedeeyey xaaladda Amni-darro iyo Dilalka Qorsheysan ee Laascaanood

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka mid ah Mudanayaasha golaha Wakiillada ee baxay gobolka Sool, ayaa xukuumadda Madaxwayne Axmed Siilaanyo ku eedeeyay ammaan-darrada iyo dilalka qorshaysan ee ka dhaca Magaalada Laascaanood.

Xildhibaan Koore oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxa uu dhaliilay hannaan hay’adaha ammaanka iyo Garsoorku ku wejahaan hawl-gallada ka dhanka ah shakhsiyaadka ammaan-darrada ka wada gudaha magaalada Lascaanood, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaas ka hadlaya, “Dhimashada iyo dhaawaca soo gaadhay dadka reer Sool waxay caga-cagaynaysa 21 qof oo isugu jirta rag iyo dumar,waxaad halka ka aragta baaxadda iyo xadka ay leedahay waxa ka socda Laascaanood oo u muuqada runtii dad kawaan saaran subax kasta oo lagu laynayo. Ha lalaayo, weli qof maxkamad loo soo taagay oo qof u xidhanyahay oo maxkamadii xukuntay waxaa ku jira Cismaan Faarax oo ahaa taliyihii, waxaad garan-kartaa baaxadda dhibaato ee ka socda degaanka.”

XXildhibaan Saleebaan Cali Kooreildhibaanku waxa uu isbarbardhigay ammaanka magaalada Laascaanood iyo gobollada kale ee dalka, “Dad badan oo Somaliland ahi waxay yidhaahdaan nabadda ha la ilaaliyo, waxbaanayse ogayn oo qofkasta indhihiisu waa inta uu joogo. Haddii Hargeysa nabadi ka jirto ama ay ka jirto Berbera ama ay ka jirto Boorame, waxa jira dad aan habeen dhiig ka nasan oo ku nool Somaliland oo ay joogan ciidankii ugu badnaa abid ee Somaliland ee meel jooga, arrintaasi waxay sababtay inay ku dhowdahay in cidna laga garan waayo ama meel foodda loo saaro cidda gobolkan amnigiisa ka masuulka ah, taasi waxay sababtay in cidna la garan-waayo.Waxaa gobolka la soo darsay dhibaato aad iyo aad u badan oo baaxad leh oo ay ka mid tahay dad habeenna beryi waayey,” ayuu yidhi Xildhibaan Saleebaan Koore.

Xildhibaanka Salebaan Cali Koore waxa uu sheegay in dilalka iyo ammaan-darrada ka jira gobolka Sool ay ka masuul yihiin maamulka iyo hay’adaha ammaanka gobolka, “Dilkii ugu dambeeyey haddii aan soo qaato waxaan aan anigu saaray inay lahayd maamulka iyo amniga Somaliland, ninkii qirtay inuu wax dilay ayaa isagoo maxkamad saaran la soo qaaday oo sharciga dalku wuxuu qorayaa inay maxkamaduhu ka madax-bannaanyihiin maamulka ama hay’adda fulinta.Taasi waxay keentay in qaar ka mid ah dadkii dambiyada loo haystay la sii daayo iyada oo aan la marin sida sharcigu tilmaamayo, qofku marka uu dambiga galo hay’adda baadha iyadoo aan hay’adihii loo gudbin ayaa dadka lagu tuhsanyahay in ay lug ku lahayeen dilkii xildhibaanka ku dhacay, ayaa la sii daayey oo masuuliyadda kow waxa iska leh Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Booliska. Dabadeed waxay keentay in askartii booliska ahayd eeninkii la dilay ay laamida dhexdiisa ku toogta dadka iyo gudahoodii,” ayuu yidhi Md Koore, waxaanu intaas ku daray, “Waxaan halkan farriin uga dirayaa Madaxweynaha oo aan leeyahay madaxweyne dal badan iyo dad badan ayaa dhibaato ku qaba dhulalka aad xukunto oo ay ka mid tahay Somaliland oo maalin kasta iyo habeenkastan waxaa loo gowracayaa sida xoolaha, waxay noqotay in 1:00 duhurnimo laamiyada lagu toogto dadkii ugu magaca dheera ama ugu hantida badan magaaladda Laascaanood, taasi waxay ku tusaysaa in amniga dalku marayo meel adag. Waxaa la sheegay in badhasaabka gobolka laga xoogay oo loo awood sheegtay markii ninkan dambe la soo qaadayey oo lagu yidhi adigaan ku xidhanaynaa markii uu sharciga maray ee uu yidhi waar ninku halkan buu dambi ku galayee dambigiisa ha lagu baadho. Siddeetan, hay’adood ayaa dalka jooga oo hay’ad tagtay ma jirta oo xogogaal-baan u ahay, hay’adaha qaar baa ku odhanaya amni-xumaan u tagi weynay oo saddex kun oo askar ayaa jooga oo dawladda Somaliland mushahar ku bixiso, meel ay joogan maad garanaysa! Meesha dadka sidaa loogu laynayo ee nabadgelyado darro ka jirto, waxaan u jeedinaya qofkasta oo damiir leh ama dadka Somaliland jecel inay arrintu maanta halkaa taagan tahay.”

Cabdiwahaab Guuleed

Somalilandpost/Hargeysa