Xildhibaan Saleebaan Cali Koore Oo Guulweyn Ku Tilmaamay In Somaliland Gacanteeda Ay Buuhoodle Soo Gasho

Hargeysa(SLpost)-Xildhibaan Saleebaan Cali Koore ayaa u tilmaamay guul weyn in Somaliland ay gacnteeda soo gasho magaaladda Buuhoodle oo wakhtidheer ahayd meel u janjeedha maamulo kale.

xildhibaan Saleebaan waxa uu xukuumadda u soo jeediyay in la barbar istaago wasiir Xaglatoosiye oo guusha uu deegaankaas ka soo hayiyay lagu garab galo si aanay arimahu ugu dhamaan guuldaro. waxaanu sida oo kale duray xildhibaanada ka hor yimaada in doorasho deegaanada Sool ay ka dhacdo.

waxa uu xildhibaan Koore arimahan kaga haday shir jaraa’id oo uu warbaahinta kula hadlay, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan “Guul baa Buuhoodle ka soo hoyatay. Guushaas waa in dawladda iyo shacbiguba is barbar taagaan, oo taageeraan. In badan baynu naawilaynay in gobolka Buuhoodle soo galo gacanta Somaliland laakiinse, sidaynu TV-yada ka arkaynay waxaa muuqatay inuu gacanta Somaliland soo galay,” ayuu yidhi Xildhibaan Saleebaan.

Xildhibaanku waxa uu xukumadda ugu baaqay inay Wasiir Xaglotoosiye ku garab istaagto dadaalka uu ka wado Buuhoodle “ waxaanu u baahan nahay in xukumaddu hiil iyo hooba isla barbar taagto wasiirka tagay Buuhoodle iyo waxa uu k aqabtay. Waxa uu ka qabtay waa wax xasuus mudan, dawladda iyo baarlamaankana waxaan u soo jeedin in la barbar istaago oo guushaa Xaglotoosiye ka soo hooyay Buuhoodle aanay ku dhammaan guul darro, balse ay xukumaddu dhisto gobolka Buuhoodle,” ayuu yidhi Xildhibaanku.

xildhibaanka oo duray xildhibaano ka horyimi in deegaanada Sool doorasho ka dhacdo waxa uu yidhi “Siyaasiyiintayada dalka joogta nin waliba wuxuu qabtay iyo wuxuu qaban karo waa la garanayaa. Qodobka labaad een iftiiminayaa waxa weeye baarlamaanka iyo golaha wakiilada rag badan baa la sheegay inay ka biyo diideen doorashada, anigu waxaan leeyahay doorashada waa in la gala. Kursiga waxaanu fadhinay 10 sannadood, laba sannadoodana waa lagu daray markaa Kuraasta kamaanu bixine waa in aanu doorashada gallo ama dadka u banayno si dhiig cusub iyo dad cusub u yimaadaan oo degaanka metela loo helo,”ayuu yidhi wasiirku.