Xildhibaan Rayte oo Xukuumadda ku eedeeyey masuuliyadda Caqabadda hortaagan Ansixinta Guddiga Doorashooyinka

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Guddiga arrimaha gudaha Golaha Wakiillada Somaliland Xildhibaan Ibraahin Jaamac Rayte, ayaa Xukuumadda ku eedeeyey inay Xubnaha cusub ee Guddiga doorashooyinka Qaranka loo soo xulay dhawaan ee aan la ansixin ay fartay inaanay hor-iman Golaha Wakiillada.

Xildhibaan Rayte oo Xukuumadda ku eedeeyey masuuliyadda Caqabadda hortaagan Ansixinta Guddiga DoorashooyinkaXildhibaan Rayte waxa uu ku dooday in Xukuumaddu sida ay Xildhibaannada Muxaafidka ah u fartay inaanay hor-tegin Golaha Wakiillada si aan loo ansixin xubnaha cusub ee Guddiga doorashooyinka ay Xubnaha laftoodana arrintaas oo kale u fartay. Waxaanu Xildhibaan Rayte sidaa ku sheegay Shir Jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Hargeysa, kaasoo uu ku sheegay dulucda khilaafka ka dhex-taagan Golaha Wakiillada ee Mudanayaasha Muxaafidka iyo Mucaaradku ku hirdamayaan ay tahay arrin badi shacabka ka qarsoon oo ay muhiim tahay in la fahmaa.

HALKAN KA DAAWO