Xildhibaan Rayte oo eedo Kulul u jeediyey shir Guddoonka Golaha Wakiilada, kana hadlay aragtidiisa shirka Daallo

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa shir Guddoonka Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Ciro) ku edeeyay inuu burburiyey Golihii Wakiilada oo uu ku dhex milmay xukuumada, isla markaana waxa u sheegay in labadii sanno ee u danbeeyay wax shaqo ah ay qaban Golaha Wakiilada.

Xildhibaan Rayte waxa kale oo uu sheegay in shir Guddoonka Golaha  Wakiiladu uu jabiyey sharcigii dimquraadiyada oo uu ku tilmamay in sharciga dalka ay ku jirin in qof Guddoomiye Urur u ah aanu noqon-karrins hir Guddoon, taas oo uu ku tilmamay inuu Ururka Waddani  uu Guddoomiye u yahay Tageera Xukuumada oo aan ahayn mucaarad.

Xildhibaan Rayte sidoo lake waxa uu ka hadlay shirka Beelaha Habar-yoonis uga socda Buurta Daallo ayaa waxa uu sheegay inay ula muuqato calaamado aan shacabku ay ka rali ahayn, isla markaana waxa uu sheegay inay ka imman karaan dhibaatooyin ayna shirka beelaha ka danbayso xukuumada oo laga shakiyey anya keenikaraan kala goyn-goynta dadka iyo iyaga oo kala shakiya waxaanaha hadaladisii ka mid ahaa. “Shirarkaas waxaan u arka ifafaalo aan wanaagsanayn, waa calaamado ama astaamo muujinaaya in guud ahaanba shacabku ay ka rali ahayn. Kalsoonidii dawlada iyo nidaamkeenii Siyaasadeed ee aynu dhisanay ee Golayaasha iyo xisbiyada kalsoonidii shacabku ay ku qabeen ay soo yaranayso. Waana calaamad xun oo muujinaysa dib uga noqoshada anu ku soconay ee dimquraadiyada ahay, markaa runtii aniga war-wargaara ayey igalinaysaa sababtoo ah shirarka beeluhu waxay keenikaraan kala goyn-goyn dadkii iyo dareen la isu-nayad samayn, waxaana arkaa inay ka dhalatay jawiga guud ee Siyaasada. Haddii  la kala shiro tuhunkuna wuu badanayaa, danno badan oo la kala sheegtaana way badanayaan oo dhaawac wayn ayey u geesanaysaa midnimada dalka Somaliland. Shiraka Daallo aniga wakhitigan aynu ku jirno ilama wacna oo waxay keenaysaa dhibaatooyin farabadan ayaa ka imman kara shirkaas,”Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Rayte.

Xildhibaan Rayte waxa uu sheegay in Golaha Wakiilada waxa uu sheegay inay xukuumadii iyo Golihii ay isku milmeen oo uu ku kacay arrimo sharciga ka hor imanaaya waxaanu yidhi.“Golahayagii labadii sanno ee ugu danbeeyay wax shaqo ah oo uu qabtay way iska yar tahay, waxaana muuqata sida ay dadku sheegayaan ee anaguna tuhusanahay in runtii kaalintii aanu ka lahayn aanu gabnay. Sababtuna dhawr arrimood ayaa jira waa marka ugu horaysa  shir Guddoonkii Golahayaga oo dhex galay ama ku milmay ama isku danaysteen xukuumada. Shir Guddoonka oo laftiisa oo xisbiyadii ku dhexjira oo maanta Guddoomiyahayagii Urur ayuu ka madax yahay isaga oo Guddoomiyihii Golaha ah, taasina waxay ka hor immanaysaa nidaamkii dimquraadiga ahaa ee jiray.  wax sharciga kujira maaha oo Guddoomiyihu waxa uu ku kacay arrimo sharciga ka soo horjeeda. Markaa waxa uu joogaa inuu danaysto oo haddii uu meeshii wax laga goonayey uu joogana uuna tartankii ku jiro dee waa wax aan is qadanayn arrimahaasi.”

Xildhibaan Rayte oo hadalkisii siita waxa uu intaas raaciyey. “Arrinta kale ee Muhiimka ah Golahayagii wiiqday waxa weeye waxaan jirin Golahayaga oo baaba’ay xisbi mucaaradana majiro oo ahayd inay keenaan la xisaabtanka xukuumada. Immika wuu baa’bay Golihii Wakiiladu oo waxa u sabab ah shir Guddonka Golaha wakiilada. Kulmiye waa xisbul xaakim, Ururka Waddaanina isaguna waa xisbul xaakim oo aan xukuumadii ka soo horjeedin oo tageeraaya weeye.”