Xildhibaan Naasir Xaaji Cali oo Xilka laga qaaday, Muxuuse ka yidhi go’aankaas

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Farax, ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Guddi-hoosaadka Ilaalinta iyo daba-galka Hantida Qaranka ee Golahaas Xildhibaan Naasir Cali Shire, kaddib markii khilaaf ka dhashay warbixin Guddidiisu soo saartay todobaadkii hore oo la xidhiidhay musuqmaasuq iyo wax-isdaba marin lagu sameeyey qandaraasyo dawladdu bixisay.

Guddoomiye Baashe ayaa warqada xil ka qaadista soo saaray Sabtida Maanta, waxaanu Xildhibaanka u bedelay Guddi-hoosaadka howlaha Guud ee golahaas.

Xildhibaan Naasir Cali Shire oo markii xilka laga qaaday kaddib la hadlay warbaahinta, ayaa aqbalay xil ka qaadista lagu sameeyey, wuxuuse dhaliilay wakhtiga ay ku soo beegantay arrintaasi.

MUQAALKAN HOOSE KA DAAWO HADALKA XILDHIBAANKA

https://www.youtube.com/watch?v=5-v4KzKHxdE