Xildhibaan Kijaandhe oo Sheegay in Somaliland ku Noqotay Dariiqii Kalitalisnimada ahaa ee ay Kasoo Dagaalantay

 

Hargeysa(SLpost) – Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe, oo u tartamayey musharaxnimada madaxweynenimo ee Kulmiye ayaa dhalliilay natiijada shirkii Kulmiye u qabsoomay.  Waxa uu sheegay in Somaliland dib ugu noqotay dariiqii ay sideetamaadkii ka soo dagaalantay ee kalitalisnimada ahaa, isagoo arrintaasi daliil uga dhigay in intii shirka Kulmiye socday Magaalada ciidamo lagu arbushay.

 

Waxa uu sheegay in dad badan oo shirkii Kulmiye joogay ahaayeen shaqaale dawladeed oo lagu khasbay inay codeeyaan, halka dadka qaarna lagu cadaadiyay inay madaxweyne xigeenka u codeeyaan.

 

https://www.youtube.com/watch?v=WNC9qMpCGBM