Xildhibaan Kijaandhe Iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan-dheere Oo Ka Baydhay Isbahaysigii, Habeeen Horena Ka Dhex Hilaacay Madaxtooyada

Hargeysa(SLpost)-Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan-dheere) oo ka mid ahaa siyaasiyiinta ku bahoobay isbahaysiga dimuqraadiyad-doonka KULMIYE, ayaa si rasmi ah uga baydhay siyaasiyiinta ay isku mabda’a ahaayeen, waxaanay la jaal noqdeen madaxtooyada oo ay muddo badan aad u dhaliili jireen.

xildhibaano

Ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in dedaal ka dib lagu guulaystay in labadan xildhibaan habeen hore lala kulansiiyo madaxweyne Siilaanyo, oo ay tan iyo bishii Oktoobar kala ahaayeen laba dhinac oo siyaasadda aad ugu kala fog islamarkaana warbaahita isu mariyay dhaliilo xoogan.

Ilahan xogogaalka ahi waxay sheegeen, in Madaxweyne Siilaanyo labada xildhibaan ka codsaday inay la shaqeeyaan, hadda wixii ka dambeeyana la aragti noqdaan madaxtooyada iyo xisbiga KULMIYE ee ay hore u dhaliili jireen. Sida uu warku sheegay labada xildhibaan ayaa la sheegay inay Madaxweyne Siilaanyo u damaanad qaadeen inay qaateen codsiga uu u soo jeediyay islamarkaana ay hadda wixii ka dambeeya la jaal noqon doonaan lana shaqayn doonaan madaxtooyo ahaan iyo xisbi ahaanba.

Kulanka, waxa madaxweynaha iyo labada xildhibaan ku wehelinayay wasiirada madaxtooyada iyo hawlaha guud Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Cali Maxamed Xasan iyo qoyska madaxweynaha.

Xildhibaan Kijaandhe ayaa ahaa murashax doonayay inuu ka dhex tartamo shirkii xisbiga KULMIYE, waxaanu k aka baaqsaday ka qayb galka shirkaas, ka dib markii ay isaga iyo siyaasiyiin badani ku doodeen in Madaxweyne Siilaanyo shirka u afduubay guddoomiyaha KULMIYE oo hadda loo doortay murashaxa madaxweyne ee KULMIYE, waxaana mawqifkii uu xildhibaan Kijaandhe qaatay dartii isu casilay wasiirkii cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid oo warbaahinta u sheegay inuu is casilay, ka dib markii xildhibaan Kijaandhe loo diiday inuu shirka ka dhex tartamo, waa sida uu ku doodaye.

Xildhibaan Cabdiraxmaan-dheere, ayaa u tartamayay guddoomiyaha golaha dhexe ee KULMIYE, waxaanu shirkaas ka baaqsaday markuu isna sidoo kale ku dooday in shirkii cid gaar ah loo afduubay, waxaanu la mawqif ahaa siyaasiyiinta isbahaysiga ku bahoobay.