Xildhibaan ka tirsan Midowga Yurub oo taageera qaddiyadda Aqoonsiga Somaliland oo la kulmay Madaxweynaha iyo Masuuliyiin Qaran

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wefti uu hoggaaminayo xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Midowga Yurub.

Xildhibaan Charles Tannock MEP oo ah Afhayeenka Arrimaha dibedda ee Baarlamaanka Yurub, isla markaana u ololeeyaha qaddiyadda aqoonsiga Somaliland, ayaa kulan wada-jir ah la qaatay Madaxweyne Siilaanyo, Shirguddoonka Golaha Wakiillada Somaliland Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada.

Mudanahan oo ka mid ah Xildhibaannada Yurub ee u Ololeeya qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) si diirran ugu qaabbilay Qasriga Madaxtooyada, waxaanu Madaxweynaha uga warramay dedaalka uu ugu jiro aqoonsi caalami ah oo ay Somaliland dunida ka hesho, isaga oo ballan-qaaday inuu hawshiisa ictiraaf-raadinta halkaa ka sii wadi doono illaa inta uu ka midho-dhalinayo himiladiisa. Madaxweynaha Somaliland-na waxa uu Xildhibaan Charles Tannock uga mahad-celiyey sida uu heeganka ugu galay in Somaliland beesha caalamku aqoonsato.

Sidaa waxa lagu sheegay War-Saxaafadeed xalay ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland, kaasoo dhamaystiranna waxa qoraalkiisu u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Caawa (xalay) Qasriga Madaxtooyada ku qaabbiley Xildhibaan Charles Tannock MEP oo ah Afhayeenka Arrimaha dibedda ee Baarlamaanka Yurub, Mudanahan oo ka mid ah Xildhibaannada Yurub ee u Ololeeya qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Mudane Charles Tannock MEP waxa uu Madaxweynaha uga warramay ujeeddada socdaalkiisa oo uu sheegay in ay tahay mid ku xidhidhsan dedaalka uu u xaydan yahay ee ah sidii ay beesha caalamku ugu qanci lahayd jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ay gacan uga siin lahayd dedaalka ay la timid iyo waxa ay qabsatay. Mudane Charles Tannock MEP waxa uu xog-warran mugleh ka dib Madaxweynaha u sheegay inuu dedaalkiisa halkaa ka sii wadayo illaa inta uu ka midho dhalinayo aqoonsiga Somaliland.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Mudanaha uga mahad-celiyey dedaalkiisa midabsamida leh ee uu ku taageeray qaddiyadda Somaliland, sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu uga mahad-celiyey booqashada uu Mudanuhu ku yimid dalka.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud waxa uu mudanaha xog-waran faah-faahsan ka siiyey qaddiyadda Somaliland, baahida ay u qabto aqoonsiga caalamka iyo waxa ay qabsatay ee dhinacyada nabadgelyada, dhaqaalaha iyo Guud ahaan hanaanka dawladnimo ee dimu-quraadiga ah ee ka hana qaaday Jamhuuriyada Somaliland.

Kulankan uu madaxweynuhu ku qaabilay mudane Charles Tannock MEP waxa ku wehelinaayey oo goob-joog ka ahaa, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL, Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Cabdicasiis Maxamed Samaale, Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, Wasiirka Madaxtooyada JSL, Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Horu-marinta, Dr. Sacad Cali Shire.”

Somalilandpost.net

Somalilandpost08@gmail.com

Hargeysa, Somaliland