Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiilada Oo Sheegay In Codkooda Iib Lagu Doonayo

 

Hargeysa(SLpost)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog ayaa sheegay in xildhibaanada golaha wakiiladu ay maalmihii ugu danbeeyay ka fadhiyiwaayeen shaqsiyaad lacag la wareegaya oo uu ku eedeeyay inay ka danbeeyaan xukuumadda iyo shirkadaha kiraysanaaya haamaha shidaalka.

Waxa uu xildhibaanku sheegay inay ku adkaysan doonaan go’aankii hore ay ugaadheen waxaanu fariin u diray ganacsada iyo xukuumadda. waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi “Xamxamta suuqa ayuu maanta la kacsanyahay golahayagii, waxbaa laysla dhex marayaa, maalintii dhawayd waxaan idhi waxaanu kala ordaynay inay xukuumadda iyo sharkaduu na soo faragaliyaan oo ay dhaameel daadiyaan, waxa hada lay sheegayaa in dhaameelkii bilaabmay oo xildhibaanadii gurahooda iyo golayaashoodii loogu tagay oo ay xildhibaanadii ka fadhiyi la’yihiin dad lacag qaybinaaya, waxaanu idiin sheegaynaa ma’hayno xeer iyo heshiis aad lacag ku bixisaan, anagu waxaanu nahay dhagihii iyo indhahii umadda oo umadda ayaa nagu aamintay masiirkooda, hadaanu aragno heshiis qolmadaw lagu galay bartiisa ayaanu ku baabiinaynaa, waana go’aan gole sidaasi, go’aankaas cid soo celinkartaa ma jirto waana sida uu nooga baxay.”

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Nimanka lacagta la yaacayana waxaanu leenahay walaalayaal hantidiina ha ka dhigina geel bacaad lagu lisay oo daal ha korodhsanina. hadii gacan la siiyo shirkado macmal ah oo gacanku rimis ah, waxaynu arkidoonaa foostada shidaalka ah oo cirka isku shareertay.”