Xildhibaan ka Mid ah Golaha Deegaanka Ceerigaabo oo Walaac ka Muujisay Sun ku soo Caaridday Xeebta Gobolka Sanaag

Ceerigaabo(SLpost)- Xildhibaan Qamar Maxamed Saalax (Qamar Talleex) oo ka mid ah Golaha deegaanka ee degmadda Ceerigaabo ayaa qaylo dhaan ka muujisay sun  badda lagu daadiyay  oo ka soo caariday xeebta  gobolka Sanaag.

Xildhibaan Qamar oo shalay warbaahinta kula hadashay magaaladda Cerigaabo ayaa xukuumadda u soo jeedisay inay wax ka qabato sun ay u sheegtay in ay ka soo caariday xeebta gobolka Sanaag,  gaar ahaan meesha la yidhaahdo Xarsho, waxaanay tidhi   “Maanta (shalay) waxa aan u qabtay shir saxaafadeedkan waxa weeye dhibaato ka taagan, xeebta waqooyi ee gobolka Sanaag gaar ahaan meesha la yidhaahdo Xarsho oo waqooyi ka xigta qiyaastii 90km  magaalada Ceerigaabo  waxa ka soo baxday halkaa haan weyn oo dahaadhan.  waxaanu  u arragnay inay tahay waxyaabaha lagu aaso badaha mandaqadda waxaana keenay duufaantii dabaylaha wadatay ee ka dhacday xeebta.”

“Waxa aan baaq u dirayaa cid kasta  oo ka damqanaysa dhibaatadaas halkaas ka taagan oo bulshadda waxyeelo ku haysa.  xukuumadda Somaliland ha ahaato  iyo ciddii kale  ee   danaynaysaba  ha ahaato meeshaa aad ayaa loogu dhibaataysan yahay dad shicib ah  ayaa gaadh ka haya si aanay bulshadda reer miyiga ah wax u yeelin suntaasi,”ayay tidhi Xildhibaan Qamar Talleex.

Waxa kale oo ay sheegtay inay kula xisaabtami doonaan dadkii suntan badda dhigay, waxaanay tidhi  “Waxaanu codsanaynaa markaa in la soo eego suntaas oo meesha laga qaado, waxaana ku adkaynayaa xukuumadda Somaliland inay dedaal badan gasho arrintaas waayo dadku waa dadkeedii oo iyadaa ka  masuula. Waanan kula xisaabtamaynaa dadkii suntaas meesha dhigay goor ay noqotaba.”

Somalilandpost.net

Hargeysa, Somaliland