Xildhibaan Jirde oo ka Waramay Shir Caalami ah oo Lagaga Hadlayey Musuqmaasuqa oo Somaliland Qayb ka ahayd

Hargeysa(SLpost)-Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka warbixiyey shir caalamiya oo ay iskugu yimaadeen 79 wadan, gaar ahaan Barlamaanada Wadamadaasi,  oo ay Somaliland ka qayb gashay isla markaana xubin ka noqotay.

Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo isagu shirkan oo ka dhacay Indonesia ka qayb galay ayaa hadal uu shalay Golaha Wakiilada ka jeediyey kaga waramay shirkan caalamiga  waxaanu  hadalkiisa ku bilaabay sidan “Waxa aan ka waramayaa Shir Barlamaanada Aduunku iskugu  yimaadeen, oo aanu ka qayb galnay aniga iyo Xildhiibaan Cabdiqaadir Jirbiil Tukaale, Shirkaas waxa lagu magacaacaba Shirkii lixaad ee ka hortaga musuqmaasuqa, iyo doorka ay Xildhibaanadu ku leeyihiin, waxa iskugu yimid 79 dal, Somaliland ayaanu kaga qayb galnay, Calamadii baa miiska la noogu dhajiyey, wixii hadda ka dambeeya xubin ayeynu ka nahay.”

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde ayaa mar uu ka hadlaayey Musuqa waxa uu yidhi “Waxa loo aqoonsaday Musuqa waxa caalamka oo dhan saameeyay oo ku xiga argagixisada iyo cimilada, Qaramada Midoobay xeerar ayey ka soo saartay, qabanaya wadamada oo dhan, inagana ay tahay inaynu darisno, xeerarka aynu sameeynayno ee musuqmaasuqa ahna inayn waafajino taas, axdiyo ayaa la sameeyey, oo mid hoos yimaado Afrikaanka, kaasna xubin ayaanu ka soo noqonay, wax baanan ka qornay, Dastuurkii loo sameeynayey waanu ka codeeynay, oo codeynta ayaanu ku jirnay labadayduba oo maanu is khilaafin, meel baanu u wada codeynay”

Dhanka kale Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde ayaa si xeel dheer waxa uu uga waramay dhibka uu leeyahay musuqa iyo sida ugu wanaagsan ee looga hortagi karo, waxa kale oo tilmaamay in Shirkan lagaga hadlayey Musuqa inuu cid walba sameeynayo, sida Shirkadaha, Xukuumaddaha, Wadamada iyo Banaanka.

 

Somalilandpost.net

Hargeysa Office