Xildhibaan is barbardhig Ku Sameeyay Xukuumaddan Iyo Xukuumaddii Hore

Hargeysa (SLPost)-Xildhibaan Maxamed Saalax Cige, oo ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada, ayaa is barbar dhig ku sameeyey Xukuumaddan iyo Xukuumaddii hore ee uu Daahir Rayaale Kaahin Madaxweynaha ka ahaa, waxaanu sheegay inay Xukuumaddani ka liidato kana faan badan tahay xukuumaddii hore.

 

Xildhibaan Maxamed Saalax Cige, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay sidan “Xukuumaddani markii ay Mucaaradka ahayd, waxa ay aad wax uga sheegi jirtay,Xukuumaddii hore ee uu Madaxweynaha ka ahaa Daahir Rayaale Kaahin, waxa ay ku canbaarayn jirtay Hanti boob, iibka Hantida Umadda, gaar ahaan Madaxweynaha iyo rag badan oo ka tirsan Xukuumadda iyo Kulmiyeba, aad ayey wax uga sheegi jireen Xukuumaddaas, oo waxa la hayaa Rikoodhinkii, laakiin sida aynu maanta aragno, waxyaabaha ay Xukuumaddani ku dhaliili jirtay Xukuumadaas, wax ka daran ayey sameeynaysaa, oo Xukuumaddaasi inta badan kumay faani jirin, kamay badheedhi jirin iibka Hantida Umadda, balse Xukuumaddani wey ka indho adag tahay, Xukuumaddii hore, oo waxay ku faanaysabaa iibka Hantida Umadda, markaas inay dib isku daawato, ayey ahayd, oo Dastuurka ay sida doonto u jabinayso inay dib u eegto ayey ahayd, wax walba oo ay Xukuumadda ku dhaliili jirtayna iyo wax ka darana wey sameeysay oo ay xitaa ka mid tahay dib u dhaca Doorashada, oo aynu ogeyn waxa ay ku hadli jireen iyo Maanta waxa ay ku hadlayaan”.

 

Xildhibaan Maxamed Saalax Cige, ayaa isaga oo ka hadlaya Golaha Wakiilada waxa uu yidhi “Golaha Wakiiladu cod aqlabiyad ah ayey ku diideen kuna laaleen wareejintii ay Xukuumaddu ku doonaysay wareejinta Kaydka Haamaha Berbera, haddana iyada oo ay sharci daro ahayd in mooshin la laalay in dib loo keeno Golaha  Wakiilada, oo waliba Xildhibaano markii hore diiday haddana doonayeen in dib loo ansixiyo, ayaa iyada oo halkii la taagan yahay, ayey si badheedh ah Xukuumaddu u tidhi waanu wareejinay, markaas taasi waxa ay ina tusaysaa sharci darada cad ee ay ku fanaanayso iyo hantida qaranka ee ay Umaddu wada leedahay ee ay cid gaar ah kooto ugu xidhayso”