Xildhibaan iftiimiyey sababaha horseedka u ah Qiime-bararka Maceeshadda iyo Waxa lagaga bixi karo

“Waa in shaqo loo abuuraa Ardayda Jaamacadaha ka baxaysa iyo kuwan badda isku-daadinaya iyo kuwan immika la leeyahay waa loo taag-waayey (rabshadaha dhalinyarada), haddii aan shaqo loo samaynin inay meeshu (dalku) qaraxbaa dhow…”

Hargeysa (SLpost)- Xildhiban Xuusen Ismaciil Yuusuf oo ka tirsan mudaneyaasha golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sababaha horseedka u ah maceeshad-bararka dalka ka taagan u sibir-saaray iyada oo aanay dalka ka jirin Bangiyo caalami ah oo ganacsatada iyo dhaqaalaha dalka u fududeeya xidhiidhka dibadda.

xildhibaan Xuseen IsmaaciilXildhibaan Xuseen Ismaaciil oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa xukuumadda iyo shacabkaba ugu baaqay in la dhiirri-geliyo sidii dalka looga hirgelin lahaa bangiyo caalami ah, kuwaas oo xeerkoodu in muddo ah horyaallay Golaha Wakiillada balse goluhu aanu wali ansixin dareen-celin dhinaca bulshada iyo culimada dalka kaga timi awgeed, ka dib markii, sida uu xildhibaanku sheegay, masaajiddada dalka qaarkood lagaga qayliyey in xeerka Bangiyada ee golaha horyaallaa uu yahay mid dhiirrigelinaya Bangiyada dul-saarka ribada ah ku shaqeeya.

Md Xuseenn Ismaaciil oo ugu horeyn ka hadlayey faa’iidada bangiyada caalamiga ah oo dalka ka hawl-galaa u leeyihiin dhinacyada horumarka iyo shaqo-abuurka dhalinyarada iyo doorka ay ka geysan karaan sicir-bararka maceeshadda, waxa uu yidhi, “Baanku waa ka waddankeenna ku xidhaya waddamada kale. Waxa ala waxa aynu hayno oo dhan baanbaa dhoofinaya, wixii aynu soo dejinayna baanbaa soo dejinaya. Sidaynu immika ku sugannahay waxa weeyi inuu nin waliba intuu markab adhi ah rarto inuu keeno Markab Dacas ah iyo mid bariis ah, waxa laga soo iibsanayaa Imaaraadka, halkii laga soo iibsan lahaa ninka soo saara Bariiska, ayaynu bariis toban cashuurood ku dhacday oo toban macaash saaran tahay, ayaa waddanka la keenayaa. Markaa, markaynu Ictimaadkeenna (ganacsi liisan haysta) wax ku dhoofinno, ayaynu ictimaadna ku keeni karnaa oo halka aynu Carabta waxa ka soo iibsanno aynu innaguna ka soo iibsanno halkay Imaaraadku ka soo iibsadaan.”

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Halka uu dhaqaaluhu ka kordho mar walba waxa weeyi Private Sector-ka (Ganacsiga gaarka loo leeyahay), waa inay siyaasadda dawladda noqotaa in halkaas la xoojiyo, waa in dadku isu-tagaan oo shirkado samaystaan, waa in shaqo loo abuuraa Ardayda Jaamacadaha ka baxaysa iyo kuwan badda isku-daadinaya iyo kuwan immika la leeyahay waa loo taag-waayey (rabshadaha dhalinyarada), haddii aan shaqo loo samaynin inay meeshu (dalku) qaraxbaa dhow. Waxaana shaqo-abuurkaa lagu samayn karaa marka baanankaasi yimaaddaan ee ruqsadda la siiyo, immikana way jiraan baanan badan oo Somaliland danaynaya, marka baanankaasi yimaaddaan raasamaal weyn bay leeyihiin, waxa la doonayaa inay maalgeliyaan dalka sida warshadaha oo shirkadahan immika shidaalka ka baadhaya dalka baanan bay dabada ku hayaan, diyaaradahan hawada marayaa baanan bay dabada ku hayaan, maraakiibta badaha gooshaysaa baananbay dabada ku hayaan, dhaqaale aan Bangi ku xidhnayni ma jiro.”

Xildhibaanka oo la weydiiyey sababaha hortaagan Xeerka Baananka Ganacsiga ee horyaalla Golaha Wakiillada, waxa uu yidhi, “Xeerka Baananka ganacsiga, ayaa na horyaalla, markii laga dooday, si ay u dhacdayba, waxa masaajiddadii galay warka ah inaanu ka doodayno, dabadeena masaajiddadiibaa si weyn looga kacay, waxa dadkii lagu yidhi Xeerkaa baarlamaanku doodayaa waa xaaraan oo baanan ribo ahbaa la keenayaa, taasina waa xaq oo maaha inuu dalka yimaaddo Baanan ribo ahi. Laakiin waxaan leeyahay saddex iyo labaatanka dawladood ee Carbeed ee aynu ka midka nahay, kuwa ribada ku shaqeeya iyo kuwa Islaamiga ahiba way ka shaqeeyaan, waxaanay xoog batay oo dadku inta badan la shaqaystaan baananka Islaamiga ah oo ka badiyey baananka Ribada ah, oo labadooduba waxay ka furan yihiin Magaalada Makka. Markaa maxaa inoo diidaya inay labaduba dalkeenna ka furnaadaan maadaama waddamada Carabta ee aynu ka mid nahayba ay ka jiraan? Haddaynu helayno baanan Islaami ah oo baahideenna daboola, aadbay u fiican tahay. Illaahayna waxaynu ka baryeynaa inuu keeno keeno baanan Islaami ah oo baahideenna daboola,” sidaas ayuu sheegay xildhibaan Xuseen Ismaaciil oo ka tirsan Golaha Wakiillada.

SOMALILANDPOST.NET