Xildhibaan Horseed ka ahaa tallaabadii Aqoonsiga Golaha Deegaanka Sheffiled oo lumiyey Kursigiisii iyo Jaaliyaddii u Codeyn lahayd oo Hargeysa iska Tax-taxaashaysa

aaHargeysa (SLpost)- Xildhibaan Mohammed Maroof oo xibsiga Labour-ka ee ugu jiray golaha deegaanka magaalada Sheffield, isla markaana hormood ka ahaa mooshinkii golahaasi ku ayidey qadiyadda Somaliland, ayaa waawey booskiisii ka dib markii lagaga guulaystay doorashada goleyaasha deegaanka Ingiriiska oo todobaadkan ka dhacday dalkaas.

Xildhibaan Maroof oo booskiisa uu ku guulaystay mudane kale oo kasoo baxay xisbiga Labour-ka, ayaa sheegay inuu ka xun yahay inaanu ku guulaysan doorashada golaha deegaanka oo dorraad ka dhacday dalka Britain guud ahaan, haseyeeshee waxa uu ballan-qaaday inuu dhowaan booqasho ku iman doono Somaliland.

Xildhibaan Maroof oo laba bilood ka hor u soo gudbiyey golaha deegaanka Sheffield mooshin lagu aqoonsaday madaxbanaanida Somaliland, ayaa qoraal kooban ku baahiyey barta uu ku leeyahay Facebook-ga ku sheegay, “Waxaan u mahadcelinayaa dadka degan Central Ward fursaddii ay ii siiyeen inaan sannadahii tegay u shaqeeyo. Waan ka xumahay inaan sii wado shaqadaan u hayey, laakiin, waan u mahadcelinayaa dadkii ii codeeyey, taageerayaashii, qoyskayga iyo saaxiibaday.”

Sidoo kale, qoraal xisbiga Labour ka soo saaray magaalada Sheffield looguna mahad-naq xildhibaanka hawlihii uu xisbiga iyo bulshada u hayey, ayaa lagu sheegay, “Waan ka xun nahay inaan xildhibaan Maroof ku guulaysan doorashada, iyo inuu mar kale u qabto hawlahii kala duwana iyo horumarka bulshada Sheffield. Waxaan u rajaynayaa guul.”

Fadhi ay yeesheen Mudaneyaasha Golaha Deegaanka magaalada Sheffield isla markaana ay fadhiyeen 80 xildhibaan oo golahaasi ka kooban yahay, ayaa bishii March ee sannadkan meel-mariyey mooshin ku saabsan qadiyadda Madaxbannaanida Somaliland oo loo gudbiyey, waxaanay dhammaantood u codeeyeen inay taageersan yihiin isla markaana ay aqoonsadeen madax-bannaanida Somaliland.

Dhinaca kale, waxa magaalada Hargeysa jooga isla markaana booqasho ku yimi dabbaal-deggii munaasibadda 18 May xubno tiradooda lagu qiyaasay ilaa 300 oo ka mid ah jaaliyadda magaalada Sheffield, kuwaas oo dhammaantood haysta dhalashada dalka Ingiriiska, isla markaana codkii ay siin lahaayeen ka baajiyey Maxamed Maroof oo si weyn u taageeray qadiyadda Somaliland.

 

SOMALILANDPOST.NET