Xildhibaan Golaha Guurtida ka tirsan oo loo Haysto Fal-dambiyeed ka dhan Qaranimada Somaliland

Golaha Guurtida Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaan ka tirsan Aqalka Odayaasha Somaliland ayaa laga mabnuucay inuu xarunta Golahaas foodda soo galiyo, ka dib markii lagu eedeeyey inuu ku tallaabsaday fal-dambiyeed ka dhan ah Qaranimada Somaliland, waxaana arrintiisa loo xil-saaray Guddi Anshax-marin ah oo Arrintiisa go’aan ka soo saarta.

Xildhibaankan oo lagu magacaabo Muuse Ciise Faarax, ayaa lagu eedeeyey inuu magaalada Garowe ee xarunta maamul-goboleedka Puntland uga ololeeyey mid ka mid ah 11-ka Musharax ee u tartamaya madaxweynenimada maamul-goboleedkaas oo la filayo inay maanta ka dhacdo xarunta Golaha Wakiillada ee dhawaan loo doortay Baarlamaanka maamul-goboleedkaas.

Golaha Guurtida Somaliland
Golaha Guurtida Somaliland

Guddoomiyaha Guurtida Md Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal), ayaa Maanta soo saaray qoraal ujeeddadiisu ahayd Anshax marin lagu qaado xildhibaankan oo la sheegay inuu in muddo ah ku sugnaa magaalada Garowe isla markaana uu uga ololeynayey Cabdiraxmaan Uurbayte oo ka mid ah Murashaxiinta maanta calafkooda ka qaadaya Baarlamaanka Puntland.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland waxa kale oo uu amray inaanu mudanahaasi ka soo xaadiri Karin Golaha ilaa inta ay go’aanka soo saarayaan guddi xildhibaanno ah oo ka kooban shan mudane, haseyeeshee kiiska xildhibaankan loo hayso ayaa sii xoogaystay isla markaana sababay go’aanka uu shalay Guddoomiyuhu soo saaray, ka dib markii sida la sheegay uu Xildhibaan Muuse todobaadkan gacanta ula tagay Xoghayaha Guud ee Golahaas Cabdillaahi Ibraahim Habane (Cabdillaahi Dheere) kaasoo uu Feedh ku dal-dalay isaga oo wakhtigaas ku sugnaa xarunta Golaha Guurtida, ka dib markii uu ka war helay dhaqdhaqaaq Goluhu ku doonayey inuu ku anshax-mariyo xildhibaankan.

SOMALILANDPOST.NET