Xildhibaan Fadhigii Baarlamanka ku yimi Dameer isaga oo Cabasho Muujinaya!

Cyprus (SLpost)- Mudane ka tirsan Baarlamanka Jamhuuriyadda Woqooyiga Jaziiradda Qubrus ayaa tallaabo lala yaabay ku muujiyey cabashadiisa ka dib markii uu todobaadkii hore Xarunta Baarlamanka ku tagay isaga oo dambeer fuushan.

Mudanahan oo magaciisa la yidhaahdo Arif Albayrak isla markaana ah ku-xigeenka afhayeenka baarlamanka kana tirsan xisbiga  Republican Turks Party, ayaa  tallaabadan u sameeyey cabasho uu ka muujiyey kor u kac ku yimi qiimaha shidaalka iyo go’aan ay dawladdu ku gaadhay inay baabuur cusub soo iibiso golaha wasiirrada dalkaas.

Mudanahan oo saxaafadda kula hadlay dhismaha Baarlamanka hortiisa ayaa sheegay inuu tallaabadan kaga jawaabayo go’aannada Baarlamanka gaadhay wakhti dalkiisu ku jiro sicir-barar.

Arinta la yaabka iyo qosolka dhalisay ayaa ahayd in Mudane Arif uu dameerka u xidhay Taarikada gawaadhida isaga oo lambarka gaadhigiisa qoorta u sudhay, waxaanu sheegay in safarka dameerka aanay uga baxeyn wax qarash ah balse gaadhigu shidaal uga baahan yahay.

Cabashada iyo dhaliisha Mudanahan ayaa laga yaabaa inay keento in Baarlamanku uu beddelo mowqifkiisa isla markaana uu go’aan ka gaadho qiime korodhka shidaalka iyo gawaadhida cusub ee wasiirada la doonayo in loo iibiyo.

Dadka arrimaha siyaasada indha-indheeya ayaa ku tilmaamay talaabadan xildhibaanka mid soo jiidasho leh oo si weyn u saameynaysa fekerka dadka iyo go’aanka baarlamanka.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net