Xildhibaan Dhakool oo ka Waramay Weerarkii Gurigiisa Laascaanood iyo Cidda uu u Aannaynayo

Hargeysa(SLpost)- Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa markii u horaysay ka hadlay weerar habeenimadii Salaasada lagu qaaday gurigiisa oo ku yaala magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaasi oo uu sheegay in 16 qof oo isugu jira caruur uu dhalay iyo xubno qaraabadiisa ahi aannay waxba ku noqon rasaas badan oo guriga lagu riday.

 

 

Xildhibaanka ayaa ugu horayn sheegay in ka hor weerarka looga soo hanjabay telefoonka  “Anigu waxaan joogay magaalada Laascaanood, markaa dhawrkii maalmood ee aan joogay waxaa la iiga soo hanjabayay Mobile-ka, laba nin ayaa ii soo hanjabayay oo igu lahaa maad ka baxdid waxan aad ku jirto. Ma waxaad doonaysaa in aad garaad Samayayso, ma Raage Garaad Cabdiqani ayaad doonaysaa in aad dalka keento oo aad garaad ka dhigto, arrimahaas maad ka baxdid,” ayuu yidhi Mudane Dhakool oo wargeyska Dawan la hadlay.

 

 

Waxa uu sidoo kale sheegay inuu ragga u soo hanjabay magacyadooda gartay  “Raggaas Mobiladooda iyo Zaadkooda ayaan eegay, labadii ninba waan gartay, markaa arrintaas waxba kamaan soo qaadin oo waxaan is lahaa waa iska hadal iyo toro-rog. Ninkaa Hargeysa imaanayaana waa nin la yidhaahdo Raage oo ina garaad Cabdiqani ah, mar hore ayuu yimi Hargeysa, haddana wuu imanayaa cid abaan uga noqonaysaana ma jirto,” ayuu yidhi Xildhibaanku.

 

 

Waxa uu sidoo kale sheegay in xilli uu ka soo maqnaa gurigiisa la wareeray  “Dorraad galab ayaan ka soo baxay magaalada Laascaanood, habeenimadii ayaa gurigaygii la weeraray oo ay caruurtaydii joogto, 16 qof oo isugu jiray waxaan dhalay iyo waxaanu ehel nahay oo halkaas jooga ayaa la weeraray habeenimadii, rasaas  badan ayaa lagu riday. Booliska ayaan u sheegay cidda aan tuhunsan nahay, raggii arrinta lagu tuhunsanaa ayaa la soo qabtay, baadhistiina waa ay socotaa.”

 

 

Geesta kale wuxuu ku dooday in siyaasiyiin Hargeysa joogtaa maalgalinaysay ragga weerarka gaystay  “Rag kale oo siyaasiyiin ah oo Hargeysa joogaanna arrinkaa lug ayay ku leeyihiin oo in ay lacag direena waan hayaa, oo ay lacag u direen raga weeraray gurigayga, oo ay iyagu dusha ka maamulayeen oo raggaas Hargeysa joogaa ay muraaradilaac ka yihiin in uu dalka yimaado Raage Garaad Cabdiqani, ragaas oo aan raali ka ahayn in uu dalka yimaado qof Dhulbahante ah oo magac leh ama aqoon u leh arrimaha dhaqanka iyo arrimaha nabadgelyada.”

 

 

Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool waxa uu eedayn u jeediyay Wasiiru-dawlaha arrimaha nabadaynta gobollada barriga Somaliland, kaas oo uu ku eedeeyay in uu lug ku leeyahay arrintan, waxaanu yidhi “Wasiiru-dawlaha arrimaha nabadaynta gobollada bariga ayaa arrinkaas ka hadlay dhawr goor oo yidhi xildhibaan Dhakool wuxuu keenayaa Raage garaad Cabdiqani oo uu doonayaa in uu garaad ka dhigo, ninkaas ayaa ka cabanayaa imaanshiyaha Raage garaad Cabdiqani.”

 

 

Mudane Dhakool waxa kale oo uu sheegay in ILLAAHAY weerarkaasi ka badbaadiyay caruurtiisa iyo dadkii kale ee ku sugnaa gurigiisa  la weeraray waxaanu yidhi “ILLAAHAY baa dadkaasi badbaadiye , dadkaasi in la laayo ayaa loogu tallo-galay balse ILLAAHAY ayaa badbaadiyay.”

 

Source-Dawan

 

Somalilandpost.net, Hargeysa Office