Xildhibaan Cali Mareexaan Oo Dhiibashada Aragtidiisa Fadhigii Maanta Kala Kulmay Mucaaradad Xoogan

Hargeysa(SLpost)-Xildhibaan Cali Mareexaan oo ka tirsan xildhibaanada golaha wakiilada ayaa kal fadhigii maanta ee golaha ka soo jeediyay in buuqa golahu yareeyo cagtana loo dhigo cod u qaadista ay soo jeediyeen gudi hoosaadka ilaalinta hantida qaranka.

Xildhibaan Cali Mareexaan ayaa qaylo iyo dhaliil la kulmay intuu uu aragtidiisan dhiibanaayay taas oo muujinaysa inuu golahu u dheeliyay in lays hortaago wareejinta haamaha shidaalka, waxaana hadalka xildhibaanka ka mid ahaa “Waxaynu ogayn in soo jeedimo hore oo golaha la keenay sida tii xeer hoosaadka in toban minit lagu keenay oo gacanta loo taagay laysna jiidhsiiyay buuqii golaha kaga dhashayna waa kii socday ilaa guuritdu soo dhexgashay.. waxa aad hada golaha waydiisay rayi waxaanay u muuqanaysaa sidii maalintaas, waxa uu u baahan yahay in la akhriyo oo warbixin la doono oo ciday khusayso loo yeedho, inta la buuqo oo gacanta la taago in aanay ku soconayan ayaan qabaa, masuuliyadaasi adiga ayay ku saarantahay(Cirro), waxaan qabaa in xeerhoosadka la mariyo loona yeedho cidaykhusayso lana joojiyo buuqa iyo jiidhsiinta.”

https://youtu.be/rbSnjjPpHVM