Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere oo Xukuumadda ku dhaliilay Faro-gelin ay ku hayso Garsoorka Dalka

[H]argeysa (SLpost)- Xidhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (C/raxmaan Dheere) oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland kana tirsan Xisbiga Kulmiye, ayaa  sheegay inay wax ka jiraan dhaliilihii ay Xildhibaannada Kulmiye dhawaan u jeediyeen Xukuumadda.

Xildhibaanku waxa oo uu ka hadlay aragtidiisa ku aaddan Jawaabtii Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Kulmiye Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waabeeyo ku naqdiyey hadalka xidhibannadu ku dhaliileen xukuumadda isaga oo tilmaamay in Xildhibaan Waabeeyo iyo xildhibaannada kaleba ay fekerkooda hadleen.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere waxa kale oo uu xusay inuu taageersan yahay in Xubnaha xisbiga gudihiisu ay ka hadlaan dhaliisha xukuumadda isaga oo tallaabaas ku tilmaamay fursad uu haysto xisbiga Kulmiye.

“Waxa weeye qofku haddii uu hawl-hayo dhaliil ma waayo. Waxa jira dhaliilo farabadan oo aniga laftaydu mar aan ka hadlaayey xaflad loo sameeyay nin musharaxa  oo iska sharaxay xisbiga Kulmiye waxaan caddeeyay in hoggaanka xisbiga Kulmiye uu ka hawl-gallo sidii dadka Cadaalad loogu samayn lahaa. Cadaaladdu ha noqoto mid ka jirta Ha’yaddaha karsoorka oo fursadaha jira sidii dadka Cadaalad loogu qaybin lahaa, hadday tahay xagga shaqooyinka. Waan la qabaa Xildhibaanadaasi inay jiraan dhaliilo aad u farabadan oo ay dhaliilahaasi yihiin balan qaadyadii uu balan qaaday Xisbiga Kulmiye,” sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere oo u warramay shabakadda Wararka ee Qurbejoog.com.

Isaga oo xildhibaanku ka hadlay isku-milan uu sheegay inuu ka dhexjiro Garsoorka iyo waaxda Fulinta, isla markaana wax badan laga leexinayo Ballan-qaadkii uu xisbiga Kulmiye umadda u sheegay wakhtigii ololaha Doorashada,  waxa uu yidhi, “Haddaynu eegno Cadaaladda oo kale waxaad moodaa Barnaamijkii xisbiga Kulmiye xagga Cadaaladda iyo garsoorka ballamihii uu ka kalay inay wax yaabo badani ay ku maran yihiin. Waxa ka mid ah Ha’yadda fulinta iyo garsoorka; waxaad moodaa in sidii balan qaadku ahaa in laga leexinayo oo Wasiirkii uu daanaayo inuu qabsado Ha’yaddii garsoorka. markaan ka hadlaayo Ha’yaddaha garsoorka waxaan u jeedaa Maxkamada iyo xeer-ilaalinta. Wasiirku siduu habeenkii dhawayd sheegayey ee uu lahaa aniga ayey I hoos yimadaan wax allaale iyo wax hoos yimaada majiraan. Halka ay wax ka qaloocsan yihiin waa kuwaas iyo qaar la mida. Anigu ka hadlimaayo kiis ay Maxkamadu ay qaaday, ma cadaalad ayuu u dhacay mise umuu dhicin? oo aniga shaqadayda maaha ee cid ku shaqo leh ayaa jirta oo waxa taas ka jawaabaya Guddiga Cadaaladda, waxa weeye inaanu wax ka nidhaahno dabaqaadda shuruucda balse anigu waxaan qabaa inay dhaliilo badani ay dalka ka jiraan. “ Waxa uu intaas ku daray Hadalkiisa, “Xildhibaanadii ka hadlayna xaqbay u leeyihiin waayo, lama odhan waxaad tihiin xildhibaanadii xisbul xaakimka ee ha ka hadlina dhibaatada wadanka ka jirta. Way ka hadlayaan oo muwaadiniin toodii ayaa su’aalo badan waydiinaya waa inay ka hadlaan dhaliisha wadanka taala.”

Waxa uu xildhibaan Cabdiraxmaan ka hadlay Dhaliishii Xildhibannada ee Xukuumadda iyo hadalkii uu ugu jawaabay Xildhibaan Waabeeye, waxaanu sheegay in labada dhinacba ay fekerkooda hadleen, isla markaana aanu la qabin in xildhibannada dhaliisha u jeediyey xukuumadda aanu isagu qabin hanjabaadda loogu jawaabay in Anshax-marin laga qaadayo. “Sidaan warbaahinta ku arkayey xildhibaano leh waa in la Anshax-mariyaa, anigu maqabo. Xisbigu cid maaha oo fekerbay sheegeen, Wabeeyana feker ayuu ka hadlay. Markaa anigu maqabo inay cid isticmaalayso oo ay odhanayso u jawaab ee mid walba waxa uu ka hadlay fikarkiisa ama dareenkiisa. Fikirku waxa weeye waar xaq ma uleedahay inaad tidhaahdo hebelaw adigu ha hadlin? Waa laba Mudane oo la soo doortay. Kulmiye waxay u tahay fursad. Maaha inay wax huursadaan oo xaqbay isku leeyihiin inay wax isu-sheegaan oo dhamaantood Kulmiye inay ku farxaan maaha ama ay wada cadhoodaan oo fikirka waa lagu kala qaybsan yahay, inay is dhaliilaan oo ay isa-saxaan xaqbay is-kugu leeyihin,” ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net