Xildhibaan Cabdiraxmaan Caalin oo ka tanaasulay Tartanka Booska Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan Dheere) oo ka tirsan mudaneyaasha Golaha Wakiillada, ayaa shaaca ka qaaday inuu ka tanaasulay tartanka booska Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, iyadoo la filayo in shirweynaha Xisbigu dhawaan ka furmo magaalada Boorama ee Xarunta gobolka Awdal.

 

Xildhibaanku waxa uu sidaas ku sheegay mar uu maanta warbaahinta qaarkeed ugu warramayey magaalada Hargeysa.

 

HADALKA XILDHIBAANKA KAGA BOGO MUUQAALKA HOOSE