Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo Xukuumada Ku Eedeeyay Inay Damacsantahay Iibinta Xerada Birjeex

Hargeysa(SLpoat)-Xildhibaan Cabdiqaadir Jire ayaa xukuumada ugu baaqay inay cadayso sababta hantida dawlada ay u iibinayaan, waxaanu bushada u soo bandhigay in la wado iibka dhulka xerada birjeex iyo saldhiga dhexe ee Hargeysa.

Xildhibaan Jirde wuxuu dooddaa miisaaniyadda ka sokow xusay in xukuumaddu damacsantay iibinta meelo kale, isla markaana wuxuu xusay in haamaha shidaalka oo la wareejiyay lagu soo daray miisaaniyadda.”Haamihii la wareejiyay, lana iibiyay ayaa haddana dakhli iyo kharashba ugu jira miisaaniyadda, markaa haamaha iyagoon Golaha iyo xukuumaddu ka heshiin in lagu soo daro maaha. Waxa is weydiin leh oo maanta suuqa ku jirta in xeradda birjeex la iibin doono, waxa laga shakisan yahay in saldhiga dhexe ee Hargeysa la iibin doono. Markaa dawladdu ha cadayso hantida ay iibinayso kuway yihiin iyo qaabka ay u marayso. Lakiin wax muhmal ah oo loo saxeexayo oo ay tidhaahdo hantidaas ii saxeexa ma jirto,” ayuu yidhi Xil. Cabdiqaadir.