Xildhibaan Bashiir Tukaale oo Xukuumada Ugu Baaqay inay u Gurmadaan Dadkii Ka Barakacay Deegaanka Seemaal, Ciidan ku filanna la Geeyo

Hargaysa (SLpost)– Xildhibaan Bashiir Sh. Xuseen Tukaale oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Wakiilada Somliland ee kasoo baxay gobolka Gabiley ayaa xukuumada Somaliland ugu baaqay inay si degdeg ah ugu gurmadaan dadka barakacayaasha ah ee kasoo qaxay deegaanadii dilka foosha xun ka dhaceen kuwaas oo ay haystaan dhibaatooyin Hoy iyo Hu’ la,aan lasoo daristay wakhtiyadan dhaxanta iyo sidoo kale inay deegaanadaasi wali ka jirto ciidan la’aan, waxaanu xukuumadda ku dhiirrigeliyey inay ciidamo ku filan oo amniga sugana loo diro.

Xildhibaan Bashiir oo caawa fiidkii isagoo ku sugan gurigiisa Magaalada Hargaysa kula hadlay qaar ka mid warbaahinta madaxa banaan waxa uu faahfaahin ka bixiyey labada qodob ee Bara-kaca iyo xoojinta amniga oo uu sheegay inay labaduba ka taagan yihiin deegaanadii dilku ka dhacay ee Seemaal.

Xildhibaan Bashiir Sh. Xuseen Tukaale waxaa uu xukuumada ugu baaqay inay deegaanada dilka foosha xun ka dhacay geeyaan ciidamo nabadgalyada suga oo ku filan, isagoo arintaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi xildhibaanku, “Waxaan halkan ka sheegayaa laba qodob oo ka dhashay falkii foosha xumaa ee ka dhacay deegaanka Seemaal. Labadaasi qodob oo kal ah, mid khuseeya Nabadgalyada iyo mid ku saabsan dhinaca banii aadanimada. Ugu horrayn waxaan xukuumada gaar ahaan dhinacyada nabadgalyada usoo jeedinayaa in deegaankaa ay mashaqadu ka dhacday loo diro ciidamo ku filan oo nabadgalyada sugta, waayo ciidamada hadda jooga kuma filna, mana aha ciidan dabooli kara baahida nabadgalyo ee deegaankaa ka jirta. Waana in arintaasi si degdeg ah loo fuliyaa oo deegaankaa ciidan ku filan loo diraa.”

Waxaa kale oo uu xildhibaan Bashiir faahfaahin ka bixiyay dadkii kasoo qaxay deegaanka Seemaal ee Dilka naxdinta lihi ka dhacay dadkii kasoo qaxay ay la ildaran yihiin hoy la,aan iyo baahiyo kale oo daruuri u ah noloshooda, xildhibaanku isagoo arintaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi,  “Arintan labaadna waxaa weeyaan Bara-kaca ku habsaday dadwaynhihii deegaankaa daganaa oo ay sababtay inay soo barakacaan dilkii foosha xumaa ee deegaankaa loogu gaystay 3da muwaadin ee shicibka ahaa. Waxaan xukuumada iyo cidkasta oo wax ka tari karta arintaa Bara-kaca ah, in dadkaasi gurmad degdeg ah loo fidiyo, maadaama oo dadkaasi kasoo bara-keceen deegaanadii ay deganaayeen. xiliganina yahay wakhtigii dhaxanta. waa in dadkaasi la gaadhsiiyaa taandhooyin, bustayaal iyo baayihaha kale ee aasaasiga ah ee dadkaasi lasoo darsay. Waana in dadkaasi si degdeg ah loogu gurmado oo gurmad banii aadanimo ayay u baahan yihiinee loo fidiyo. Waxaanan hadalkayga ku soo koobayaa dab munaafaq shiday muuminbaa ku gubta.”

Isku dhacyada beelaha ee ka dhaca gudaha Somaliland ayaa inta badan sababa Barakac dadku ka yaaca gooobaha ay shaqaaqadu ka dhacdo kuwaasi oo aan inta badan helin cid gacan ka siisa baayiha aasaasiga u ah nolosha bani’aadamka, taasi oo sababta inay ku dhacaan xanuuno khatar galiya nafohooda.

Dadkii labada Gobol Awdal iyo Gabiley ee ka qaxay deegaanada dilku ka dhacay ayaa degay duleedka magaalooyinka Gabiley iyo Awdal kuwaasi oo aan haysan Guryo, Bustayaal iyo Quutal daruurigii maalinlaha ahaa.

Ahmed Sh. Nour Ducaleh (Ahmed Biito)

Hargaysa Somaliland.

ahmed_biito@hotmail.com