Xilal Loo magacaabay Siyaasiyiin Dhowaan ku biiray Xisbiga WADDANI

HARGEYSA (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WAddani Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa wax ka beddel ku sameeyey xilalka sar-sare ee Xisbiga, waxaanu xilal cusub u magacaabay siyaasiyiin iyo shakhsiyaad dhowaan ku biiray Xisbiga.

Guddoomiye Cirro oo tix-raacaya go’aan ku taariikheysan 20-kii bishan oo Xisbiga ka soo baxay, waxa uu xilal Cusub u magacaabay siyaasiyiin hore uga tirsanaan jiray Xukuumadda Kulmiye oo dhowaan ku biiray xisbiga Waddani, kuwaas oo ay ka mid yihiin Wasiirradii Hore ee Warfaafinta, Boosaha iyo Caafimaadka ee Xukuumadda Kulmiye, Boobe Yuusuf Ducaale, Cali Cilmi Geelle iyo Dr Xuseen Maxamuud Maxamed.

bOOBE, FAADUMO, XUSEEN XOOG,Guddoomiye Waxa kale oo shakhsiyaadka uu xilalka u magacaabay ka mid ah Faadumo Siciid oo hore u ahaan jirtay Xoghayihii Maaliyadda ee Xisbiga UCID.

War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo wax-ka-beddel iyo magacaabis cusub ku sameeyey xilalka Xisbiga, waxaanu war-saxaafadeed xilalka loogu magacaabay masuuliyiintani u dhignaa sidan:- “Markaan Arkay Go’aanka Xisbiga ee ku taariikheysan 20/12/2014.

Waxaan Magacaabis iyo Wax-ka-beddel ku sameeyey Xilalka Xisbiga:-

  1. Md Cali Cilmi Geelle waxa loo magacaabay inuu noqdo Xubin ka mid ah Hoggaanka Xisbiga.
  2. Md Cali Axmed Cabdi (Cali Cartan) waxa loo magacaabay inuu noqdo Xubin ka mid ah hoggaanka Xisbiga
  3. Md Maxamed Xasan Dirir, Xoghayihii warfaafinta ee Xisbiga waxa uu banneynayaa xilkaas, waxaanu noqonayaa Xoghayaha Gaarka ah ee Guddoomiyaha Xisbiga.
  4. Md Boobe Yuusuf Ducaale waxa loo magacaabay Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga.
  5. Dr Xuseen Maxamuud Maxamed (Xoog) waxa loo magacaabay Xoghayaha Caafimaadka ee Xisbiga.
  6. Md Axmed Maxamed Barre waxa loo magacaabay inuu noqdo Xoghayaha Kheyraadka Dabiiciga ah ee Xisbiga.
  7. Marwo Faadumo Siciid waxa loo magacaabay inay noqoto La-taliyaha Arrimaha Dibadda ee Guddoomiyaha Xisbiga.
  8. Md Daa’uud Jaamac (Food-cadde), Xoghaye ku-xigeenka Arrimaha Gudaha ee Xisbiga.
  9. Md Cabdirashiid Maxamed Aadan (Jeeni), Xoghaye ku-xigeenka Warfaafinta ee Xisbiga.

Waxaan Eebbe uga baryayaa in Masuuliyiinta kor ku xusan u fududeeyo Gudashada Xilalka loo magacaabay.

Sidoo kale, waxaa ka rejaynayaa dhammaan masuuliyiinta iyo Hawl-wadeennada Xisbigu in ay gacan buuxda ka siiyaan gudashada xilalkooda,” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka uu Guddoomiye Cirro xilalka ugu magacaabay masuuliyiintan.

SOMALILANDPOST.NET