“Xil-ka-qaadista Xabsi Geynta Degdega ahi Waa Xaalad Abuur” – W/Q: Caamir Gaaxnuug Warmahaye

Caamir Gaaxnuug Warmahaye – Hargeysa

Dawladdan uu hormoodka ka yahay halyayga qaran kumay iman si fudud marka aad raad raacdo tan iyo halgankii dheeraa ee uu dhiiggu ku daatay ilaa iyo xaaladii ugu dambaysay ee uu ku kasbanayay bulshadan baahida u qabtay inay helaan hoggaamiye ku haga xaqa, illaaliyana xuquuqda asaasiga ah ee ay in badan noloshoodu u noomanayd sidii loo heli lahaa hannaan saxan oo sinaan iyo caddaaladi ku sugan tahay.

Waxa in lays yara dultaago heerarkii kala duwanaa Wasiir ilaa iyo Guddoomiye mucaarad hubaysan iyo mid rayidaba leh, ayaa wax gundhig u ah hannaan ku sifoobay helista xaqa iyo xurmo nololeed oo ah waajib samaawiya oo ay gees mareen dhammaan hogaamiyeyaashii xukunka soo hayay, iyadoo laga wada dharagsan yahay heerarkii kala duwanaa ee la soo maray.

Waxa fajac iyo filan waa ku ah marka aad aragto ficiladii foosha xummaa ee isaguba ka dagaalamayay ummaddana ogtahay iskabadaa doodihiisii intii u ahaa xisbi mucaaridka rayidka ahaa ee u ku dhawaaqi jiray; “Dhicimayso inta shaqsi lasoo qabto layska xidho isaga oon lasoo marin wax sharci ah.”

Kaba sii darane raggan laxidhay waxaa u dheer iyagoo hayay xilal anigu ma ihi nin difaacaya, iyaga waayoo waxa Alle igaransiiyay in shaqadiisi uu sharcigu cid u igmaday oo waxa jira sharciyaqaano shaqadooduba waxani tahay.

Haddaba su’aasha meesha taalaba waxay tahay ma sharcigaa sidan dhigaya oo annagaa khaldanayn mise Madaxwaynahan ayaan ahayn kii ka dagaalamay dulmigaas?

Madaxwanye ma tahay in sharaftii aad ugu igmatay inaad nususaace aad suuliga ugu rido, kana xayuubiso xilalkii aad u magacawday ee aad sugi waydo ilaa iyo la mariyo baadhis caalamiya ku caddayn iyo ka caddaynba inay yihiin dambiilayaal lunsaday hanti aan u arko inay ummaddeena ay ka dhigaysay mid ku noolaata faro guudkood iyo caydh wax loo dawariyo, ayba ka wanaagsanayd inaad naga daaya deeqahan dadka duleenaya oo aad ummadda u sheegto inay waxqabsadaan, isuna qabtaan iyadood aad ogtahay ummaddani inay ahayd mid wax is tarta, waxna cid kale tarta oo ay ugu dambaysay tii koonfurta Soomaaliya loogu deeqay iskaba daa tii halgankii lagu riday daaquudkii dalka ka talinayay, marka la barbar dhigo hubkii, saannadii, hantidii u haysatay iyo wixii ayku hawlgashay jabhadii aad horjoogaha ugu muddada dheer ka ahayd kaba soo tag, taas soo galistii dal burbursan dhammaan iyagoon caawimo dibadeed aan helin dhisatay hantidoodii gaarka ahayd iyo guudba caad kaama saarna.

Haddaba, lunsiga hantidaasi ka fac weyn hantidaasi xisdhista Guddoomiyihii Gobolka ugu awoodda iyo baaxadda ballaadhani in sifo aan sharciga waafaqsanayn lagu xidho, isagoo xilkii Gobolkana haya mid waa iga xasuusin waa la xidhi karaa oo shaqsi xeerku qabanayo, laakiin xilka iyagoo haya xabsigana lagaga tiriyay xilkii waa xummaan iyo xaalada abuura aan loo meel dayin.

Xubnihii hawshan loo igmadayama kasoo qaaday dekadda ilaa iyama keenista ba waxa laga waday xarunta aad xilka ka qaaday, xabsigana u gaysay dhedeeda qaarna xurmee oo xurmo aanay inta kale inaad iyana xumayso o ay waajib ahayd aadku kala eexato adiga oo ah xilkii ugu sareeyay dalkan dagana doonayay in si dhex ah iyo ixtiraam bulsho oo dhan ah ku xukunto ay aragto ama ay maqasho hale ray hal arrin waa sharaf dhac meel fogna laga dooni doono in laga soo celiyo sharafkii ay lahayd xukuumaddu Alle ka ma dhigo mid sharaftii ka maqnaato

Haddaba, Madaxwayne waxaad ogtahay ama aad maqashay haddaanad maqlina ama aan laguu sheeginba anaa kuu sheegaya, kaana shaafin doona waxa dhacaya oo qoynin magaalada Burco la geeyay raashinkan hadalku ka taagan yahay qiyaas lagu sheegay 15 gaadhi oo ah kuwa xamuulka qaada 4 ka mid ahna la geeyay dhakhtarka guud oo kaliya intii kale lama sheegin halakay mareen xataa Burco Galbeedkeeda aanay gaadhin, bal adba kaaga sii darane Talyaha Bilayska waxa haysta beel kaliya oo ah ta aad ka soo jeedo, taasina waxay tahay mid wali lagu hagayo xaruntaada dhexdeeda.

Waxa kaloo dhacday in laga helay bakhaar ku yaalla Burco raashin lagu sheegay in badhan lagu waday, Guddoomiyhii la midka ahaa kana ad xabsi galinta iyo xilka qaadista ku samaysay ku sheegay in lagusii rogay uun oo haddana la qaadi doono ilaa iyo halkii la doono.

Haddaba, Madaxwayne xaqii aad lahayd waa la helayaa yuuna dadkaba soo gaadhine, xubnaha aad u igmatay inay umada iyo adigaba idin dhexdhexaadiyaan u kala xaqsoor oo qaarna yaanay xabsi iyo xil-ka-qaadis xaq u yeelan qaarna xilka halkiisi u nagaadaan manalihi waxbay lunsadeen iyo may lunsan toona oo xeerka dalka u yaala ayaa ina kala xaqsoori doona xaqsoore waa Illaahay xaqa ha ina garansiiyo.

Haddaba, Madaxwayne ka qoto dheer raashinbaa la lunsaday inay keento xadhig iyo xil-ka-qaadis iyadoon lagu helin baadhis heer qaran ah oo madaxbannaan ama kuu adeegga adigaba oo sharciga waddanka u yaalla la waafajiyo ma ay soo farin duuduubna ku liqi kari waynay qaarna liqi oo qudhqudhiyay, laakiin nololi way danbaysaa waxa wali warbaahinta ku jira helisata la helayo raqdii iyo raadkeedii oo samaysay hadalhaynteeda dalkoo dhan.

Haddaba, Madaxweyne heerna umay gaadhi jirin danyar tuuladan mooyee oo qalbigu qalalan yahay hadaba ilaa ka ugu sareeya iyo ka ugu hooseeyaba halagaa helo inaad ugu dhiirato sidii aad kuwanba ugu dhiiratay horkeenista sharci dhamaystiran oo dhan walba leh qolodan xaqsarada ku xukuntay xeerkay lahayd la tiigso waaba hadii ay jirto eedooda yaanay dib iyo horeba aanay nagusoo noqnoqon waxaad aragtaa xaalada warshada sibidhku halkay marayso iyo qaar kaloo sixid iyo wax qabad kaaga baahan oo ceeb ku ah adiga iyo dadkan iyo dalkanba ay khaldanayd inaad eegto ilaa iyo inatay heer kaa gaadhayso ianga oo ku kalsoon garaadkaaga iyo garashadaada xeesha dheer inaad qaadan doonto qaybta xil gudasho ee laguu doortay.

Mudane Madaxwayne, mid ku jecel iyo mid ku neceba waxay ka siman yihiin inay sheegaan garashadaada dhabta ah iyo raganimadaada aanay dafirin hadaad ku sifoobi waydo waxa cadaan doonta in talada daaha dabadiisa lagaaga wado oo aanay ahayn talo kaasoo go’day iyo tilmaantii lagugu yaqaanay ee aad qayrkaa iyo qayr ku xigeenkaaba aad dheerayd