Xiisaha Kaftanka Diblumaasiyada: Shandadii Kerry, Su’aashii Putin Iyo Isu Duur Xulkii Da’da Ee Labada Wasiir 

Moscow (SLPost)- Booqashadii uu dhowaan wasiirka arrimaha dibadda ee Maraykanka John Kerry ku tegey magaalada Moscow ee xarunta Ruushka waxaa wehelinayey hadallo isugu jira kaftan iyo duur-xul mararka qaarkood fahamkoodu hal-xidhaale noqday oo ay warbaahinta kala duwan ee dunidu in badan faallaysay.

Arrimaha sida gaar ka kaftan u abuurayna waxaa ka mid ahaa shandadda weyn ee inta badan la arko John Kerry oo gacanta ku sita xilliyada uu booqashada ku marayo dalalka kala duwan ee dunida, taas oo ah dabeecad aan caadi ahaan looga baran madaxda safarrada ku tegeysa dalalka kale oo inta badan faylashadooda iyo shandadahooda ay qaadaan gacanyarayaashu si kamaradaha ka qarsoonna ugala degaan diyaaradda.

Madaxweynaha Ruushka oo xafiiskiisa aqalka Kerimlin ka ee looga taliyo Ruushka ku qaabilay wasiirka arrimaha dibadda ee Maraykanka khamiistii dhoweyd ayaa markiiba hadalkiisa ku bilaabay ilaaq la xidhiidha shandadda cas ee uu Kerry sito, waxa aanu weydiiyey, “Shandaddan aad cid kale in ay kuu qaaddo u aamini weyday, waxa kuugu jiraa muhiimsanaa. Ma lacag aad nagula gorgortamayso ayaa aad siddaa?”

Su’aasha madaxweyne Putin ayaa aad uga qoslisay dhammaan dadkii goobta joogay, gaar ahaan waftigii la socday John Kerry, laakiin Kerry oo lagu yaqaanno feejignaan diblumaasiyadeed ayaa isaga oo dhoolla caddaynaya madaxweyne Putin ugu jawaabay, “Marka aynu isu helno fursad innagu aynu isku gaar nahay oo aynu ku wada hadalno, ayaa aan ku tusi doonaa waxa ku jira. Waa wax aanad filayn. Laakiin aan ogahay in aad illaa xad ku farxi doonto”

Safarka wasiirka arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa yimid toban maalmood uun kadib markii uu madaxweynaha Ruushku shaaca ka qaaday in uu ciidamadiisa badankooda kala baxayo dalka Suuriya, arrintaas oo ahady go’aan ay xukuumadaha reer galbeedku u arkeen in ay fursad siinayso in uu dagaalku istaago, wada hadalladuna hore u socdaan.

Warbaahinta dalka Ruushkuna waxa ay sheegtay in jawiga kulankaas wasiirka arrimaha dibadda iyo hoggaamiyeyaasha Ruushku ku yeesheen Moscow uu ka xasiloonnaa kuwii hore u dhex mari jiray labada dhinac ee khuseeyey Suuriya, waxa aanay isla qireen in dadaal wada jir ah oo ay arrintan ka galeen uu suurtogeliyey heshiiska xabbad joojineed ee jilicsan ee hadda ka jira Suuriya.

Kamankii John Kerry

Arrinta kale ee booqashada John Kerry aad uga dhex muuqatay ayaa ah sheekada ka dhalatay Kaman nooca Giitaarka ah oo la arkay mid ka mid ah gacan-yareyaasha wasiirka la socda oo sida, dad badan ayaa markiiba arrintaas ku macneeyey in ay tahay hadyad uu Kerry u sido dhiggiisa Ruushka Sergey Lavrov oo 21kii Bishan Maarj u dabbaal degeyey sannad guuradii 66aad ee ka soo wareegtay dhalashadiisa. Laakiin waxaa sheekadaas meesha ka saaray mid ka mid ah masuuliyiinta la socday wasiir Kerry oo mar wax laga weydiiyey ujeedada Giitaarkan sheegay in uu yahay Giitaar uu iska leeyahay wasiirka arrimaha dibadda ee Mararykanku oo uu safarradiisa dunida oo dhan u sii qaato si xilliyada firaaqada uu u garaacdo. Masuulkani waxa uu sheegay in Giitaarkaasi aanu ahayn hadyad loo siday Lavrov ama masuul kale oo Ruush ah.

Kaftankii da’da iyo xikmadda

Arrinta kale ee xiisaha badan ee laga arkay kulamada John Kerry ee Ruushka ayaa dhacday kulankii koowaad oo ay warbaahintuna joogtay ee uu ku qaabilay wasiirka arrimaha dibadda Ruushka Sergey Lavrov.

Wasiirka arrimaha dibadda Maraykanka ayaa dhiggiisa Ruushka Sergey Lavrov ku bilaabay ereyo uu ugu hambalyeynayo munaasabadda dhalashadiisa, waxa aanu ku yidhi ereyo isugu jira duur xul iyo kaftan laakiin Lavrov oo isaga qudhiisu caan ku ah asluub u gaar ah oo uu kaga jawaabo kaftannada ayaa durbadiiba iska waabiyey hadallada Kerry.

Kerry ayaa yidhi, “Waxa aan rajaynayaa in kulankeennani uu midho dhal noqdo, waxa aanan doonayaa in aan fursaddan uga faa’idaysto in aan kuu hambalyeeyo maalinta dhalashadaada. Waxa aanan rajaynayaa in munaasabaddani xikmad ku sii kordhiso wada xaajoodkeenna”

Hadalladan oo loo fasirtay in hambalyada ka sokow ay yihiin duurxul uu Kerry saaxiibkii u sheegayo in uu ula macaamilo si sidii hore u dhici jirtay ka xikmad iyo garaad badan, isla markaana si dadban ugu sheegayo in uu nin weyn yahay ayaa uu Lavrov sida muuqata fahmay waxa ay daaran yihiin, waxa aanu bilowgiiba Kerry uga mahadnaqay hambalyadiisa, isaga si deggen mahadnaqaas u sii raaciyey ereyo jawaab u ah duurxulka Kerry oo ay ka mid yihiin, “Haddii xikmadda lagu qiyaasayo gu’ga uu qofku jiray. Weligayna xikmad kuguma gaadhi karo” Haddaba marka laga tago xaqiiqada uu Lavrov sheegay ee ah in xikmadda iyo cimrigu aanay isku xidhnay waxa kael oo uu Lavrov ereyadan jawaab dadban uga dhigayey ujeedadii duurxulka ahayd ee dhinaca da’da waxa aanu si dadban u xasuusiiyey Kerry oo 72 jir ah in uu ka weyn yahay 6 sano oo haddii xikmaddu weyni ahaan lahaydna uu isagu waa Kerry ee xikmad badnaan lahaa, laakiin aanay imika sidaa ahayn.

Xigasho Geeska Afrika