Xiisad Ka Taagan Doorashooyinka Ugandha iyo Maraykanka oo Sheegay Inuu Ka Walaacsan Yahay Xornimada Doorashadaas

Uganda(Slpost)-Xiisad ayaa ka taagan magaalada Kampala ee caasimadda Uganda, kadib markii la xiray hoggaamiyaha mucaaradka oo ka mid ahaa musharrixiinta doorashadii shalay ka dhacday dalkaasi.

Waa markii 3aad ee toddobaadkan la xiro Kizza Besigye. Taageerayaasha Besigye ayaa dibadbaxyo ka wada Kampala, waxayna xireen waddooyinka.

Xiisadda ayaa bilaabatay markii hoggaamiyaha mucaaradku uu warbaahinta u yeeray si uu u qabto shir jaraadi, balse booliska ayaa isku gadaamay gurigii uu ku jiray, iyagoo sunta dadka ka ilmeysiisa ku riday taageerayaasha Besigye. Booliska ayaa xiray Besigye iyo saraakiil kale oo ka tirsan xisbiga FDC. Xaaska Besigye ayaa twitter-ka ku qortay in Besigye loo kaxeeyay saldhigga booliska Nagalama.

Dhinaca kale, wali waxaa socota tirinta codadkii doorashada, waxaana ku horreeya madaxweynaha talada haya Yuweri Musaveni, iyadoo uu ku xigo Kizza Besigye.

Dhanka kale xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, John Kerry, waxaa uu madaxweynaha Uganda, Yuweri Museveni, u sheegay inuu ka walaacsan yahay dhibaateynta lagu hayo siyaasiyiinta mucaaradka ah inta lagu jiro doorashada madaxtinimada Uganda.

hoggaamiyaha ugu weyn mucaaradka, Kizza Besigye, ayaa la xiray mar ay ciidammada ammaanku duullaan ku qaadeen xarunta xisbigiisa, taas oo iska hor imaad xoog leh ka dhalisay caasimadda kampala.

Maraykanka oo taageero dhaqaale siiya Uganda waxay sheegeen in ficillada bollisku ay su’aal gelinayaan sida la isugu hallayn karayo in doorasho sax ah ay ka dhacday Uganda. Codadka ayaa weli la tirinayaa codbixintii Khamiistii dhacday iyadoo lagu wado in Mr Museveni uu mar 5aad ku guulaysto xukunka